Somalia: Maxay Isaga Egyihiin Madaxweyne Farmaajo Iyo Maxamed Siyaad Barre?

Waxaa maanta Soomaaliya looga dabaaldegayaa maalinta xorriyadda oo ku began 1-da bisha Luulyo oo Soomaaliya ay xornimo ka qaadatay gumestihii Talyaaniga, wixii intaa ka dambeeyay, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad rayid ah, kahor inta uusan xilka qabanin Madaxweynihii dowladdii kacaanka, Maxamed Siyaad Barre.

Xiligii uu Siyaad Barre afgembiga aan dhiig ku daadanin xilka kula wareegay oo haatan laga joogo ku dhawaad 50 sanno oo ku beegan 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii, ayaa tan iyo intii uu hogaaminayay dowladdii Milateriga, waxay dad badan ku xusuustaan wanaag badan iyo dhibaatooyin badan oo uu kacaankii geystay, waxaana xiligan oo Soomaaliya uu Madaxweyne yahay Maxamed Cabdullahi Farmajo ay dad badan qabaan inuu dhowr arrimood isaga mid yihiin labada nin, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida ay u shaqeeyaan hay’adaha Dowladda, rabitaanka Dowlad dhexe oo awood badan iyo sida loola tacaalo mucaaradka ka fikir duwan.

Hay’adaha dowladda ee isku milmay

Xiligii dowladii kacaanka, waxaan marnaba qarsooneyn in ay jireen hay’ado dowli ah oo dowladda ay sheegi jirtay inay madax banaan yihiin, balse ay muuqatay inay si toos ah u hoos tagi jireen maamulka, waxaan tusaale loo soo qaadan karaa garsoorayaasha maxkamadaha oo hadba sida dowladda ay rabto wax u xukmin jiray iyo qaabka uu u shaqeeyn jiray baarlamaanka..

Garsoorayaasha ayaa xilligii kacaanka waxaa magacaabi jiray Madaweyne Siyaad Barre, balse haatan waxaa muuqata in nidaamkaas uusan wali meesha ka bixin.

“Dhisma la’aanta guddiga adeegga garsoorka oo la dhisi waayay xiligii Carte ilaa iyo hadda ayaa sababtay inay muuqato muuqaal ah in xukuumadda ay iyadu si toos ah u magacawdo garsoorayaasha, toos na xilka uga qaado, taasi na ay u muuqato in xukuumaddii iyo garsoorkii ay isku dhex milmeen oo aanay kala soocneyn, mararka qaar na awoodda faraha badan ee ay xukuumadda ku dhex leedahay garsoorka loo arko go’aan gaarista inay xukuumadda leedahay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Zakariye Yusuf oo ah sharci yaqaan.

Abuukaate Tahliil Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan garsoorayaal aan hab-raaca sharciga ku magacawneyn, balse an loo nisbeyn karin dowladda hadda jirta oo dowladihii hore ay dhisi waayeen hay’adda adeegga garsoorka, taasi na ay keeni karto in su’aal la geliyo sharciyadooda haddii xukuumadda qabsan waydo waajibka ka saran hirgelinta adeegga garsoorka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in uusan la xisaabtamin dowladda

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale u muuqda inuu ku jiro gacanta dowladda oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmajo, iyadoo qorshayaasha ay dowladda wadato loo mariyo si aqlabiyad ah, inkastoo ay haddana jiraan xildhibaano mucaarad ah oo gacan ku gabad ah, kuwaas oo ay cabsi weyn ku beertay eedeymaha ah inay “qaran dumis” yihiin.

Sida loola macaamilo dadka ka aragti duwan Dowladda

Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd dowladdii ugu awoodda badneyd ee soo marta Soomaaliya, waxay lahayd dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadihii ay ku dhaqmi jirtay, iyo sida ay wax u wadeen, kuwaas oo lagu tilmaami jiray kacaan diid, daba dhilif iyo dib u socod, waxaana dadka ugu cadcadaa ee ka soo horjeeday ka mid ahaa Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba la soo shaqeeyay Siyaad Barre.

Dowladdii kacaanka ayaa dadka ka soo horjeeda ku shaabadeyn jirtay dad ka soo horjeeda danaha qaranka.

Cabdullaahi Yuusuf oo markii dambe Soomaaliya Madaxweyne ka noqday ayaa waxaa xiray Dowladdii kacaanka, isagoona loo arkayay nin ka soo horjeeda nidaamkii jiray, balse haatan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay dadka qaar ay ka daremeen isla qaabkii ay dowladda kacaanka ula dhaqmi jirtay mucaaradkeeda.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo siyaasad ahaan ka fikir duwan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fikirkiisa loo weerarya, loona xiray.

Cabdiraxman Cabdishakur ayaa dowladda ku eedeeyay inay siyaasad ahaan u bartilmaameedsatay

Horaantii bishii afaraad ee sannadkan, waxaa barlamaanka Federaalka la geeyay oo qorshuhu ahaa in laga dooda arrimo ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho, balse buuq iyo fowdo ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibanaada qaar oo ay wasiiro ka mid yihiin ayaa sababtay arrin dad badan ay la yaabeen.

Wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya, Goodax Barre oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xildhibaano kale oo ka aragti duwan ku tilmaamay inay yihiin Al Shabaab.

“Xildhibaanada diiday in barlamaanka Soomaaliyeed uu xog ogaal u noqdo amniga meesha uu marayo waa Al Shabaab, waa dad Shabaab u shaqeeyo”, sidaas ayuu Goodax Barre ka yiri golaha shacabka.

Walow dalalka qaar mucaaradka loo arko inay yihiin dad siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, damac na uu uga jiro xilka ugu sarreeya dalka, ayaa haddana muddadii ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay sameysay ficillo lagu fogeynayo dadka ka aragti duwan, taas oo ay ku dhaqmi jirtay Dowladdii militeriga.

Waxaana intii uu xilka qabtay caan baxay haddalo ay ka mid yihiin “qaran dumis, dowlad diid iyo ereyo la mid ah”.

Dowlad dhexe oo awood badan

Soomaaliya oo burburkii kahor lahayd dowlad dhexe oo awood badan ayaa dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa muuqata inay daneneyso in mar kale dalka ay ka hana qaado dowlad dhexe oo awood badan.

Soomaaliya oo nidaamka Federaalka uusan horay uga jirin balse burburkii kadib uu ka hirgalay, loona arkayay xalka kaliya ayaa waxaa laga soo maray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyo inta badan dowladda kula dhaga go’aanada siyaasadeed.

Madaxdii ku midoobay iskaashiga dowlad goboleedyada

Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo oo aan marnaba qarsanin rabitaankiisa ku aadan nidaam xoog leh ayaa sheegay inay doonayaan dowlad dhexe oo awood leh.

“Inkastoo qaarkood ay nagu dacaayadeeyaan, yiraahdaan Dowladda Federaalka waa dowlad dhexe, waa dowlad rabta inay awoodda qaadato, annaguna waxaan dhahnaa Federaalka saxda annaga ah, maxaa yeela waxaa rabnaa dowlad dhex oo xoog leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo ciidan fiican leh, oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimaha socdaalka iyo xuduudadeeda ilaalisa, waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh, dhaqaalaheedana iyadu kontoroosho”, sidaas waxaa xaflad qallin jabin ah ka yiri Madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in inkastoo qaabka ay xilka ku yimaadeen ay kal duwan tahay, oo Farmaajo ay doorteen xildhibaano, Siyaad Barre na qaab milateri uu ku yimid, haddana ay tahay in dowladda hadda jirta ay wax ka barato wixii dhibaatooyin ah ee horay u dhacay.

“Runtii labada maamul sida ay ku yimaadeen waa ay kala duwan yihiin, haddana wax waa ay wadaagi karaan; waynu aragnaa khaladaad barigii hore ka dhici jiray dowladdii hore inay tan na sameyso, waxaana ka mid ah inay mucaaradka u aragto cadaw, meelaha ay uga ekaatay dowladdii hore ee Siyaab Barre waxaa u sabab ah hay’adihii dowladda ee kala hagi lahaa ama kala xukumi lahaa in aysan dhisneyn, mar haddii kuwaas aysan jirin na ninka Madaxweynaha sida ay ula ekaato ayaa imaneyso, khaladaad bandanna way imanayaan”, Sidaa waxaa BBC-da ku yiri Cabdiraxmaan Caddami.

Wuxuu intaa raaciyay in duruufaha labada maamul aya kala duwan yihiin, balse ay adag tahay in Soomalaida ay wax ka bartaan waxyaabaha soo maray haddii ay noqon lahayeen dhib ama dheef-ba.

Comments

comments