Somaliland: Nin Isagoo Hurda Ku Qarwaya Amma Sasaya Ka Soo Dhacay Dabaq

Date:

Nin da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo afartan jir ayaa xalay saqdii dhexe ka soo dhacayay Dabaq ku yaalla degmada Xamar weyne, isagoo hurdayay.

Ninkan ayaa la sheegay in xilliga uu soo dhacyay uu Qarway ama Sasay, waxaana saaka aroortii laga soo qaaday dabaq kale oo gaaban, kuna dhegan dabaqii uu degenaa oo ku dhow Hotelka Muna.

Waaxda Gurmadka deg-deg ee gobolka Banaadir ayaa u soo gurmatay oo ugu dambeyn halkaasi ka qaadeen, waxaana la sheegay inuu ka jabay laf dhabarta iyo qeybo kale oo jidhkiisa ka mid ah.

Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane ayaa sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen.

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Cisbitaalada Muqdisho la geeyay oo xaaladiisa lagu baxnaaninayo, waxaana uu dadka Muqdisho ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhismayaasha dabaqa ah ee dariishadaha u furan, taasna ay sababi karto qof hurda oo qarwa inuu ka soo dhaco.

Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen baraha bulshada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...