Miyuu Eden Hazard Guul Ku Gaari Doonaa Real Madrid Mise Wuu Ku Fashilmi Doonaa?

Date:

Real Madrid ayaa xaqiijisay saxiixa xiddigii Chelsea Eden Hazard kaasoo lagula soo wareegay lacag u dhaxeysa 88 milyan ginni ilaa iyo 130 milyan ginni, laakiin miyuu ku najixi doonaa Spain?

Xiddiga reer Belgium ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii uu ugu fiicnaa kubada cagta Ingariiska isagoo dhaliyay 16 gool islamarkaana 15 caawiye ka ahaa. HAzard ayaa Chelsea kaga soo biiray kooxda Lille todobo sannadood ka hor.

Laakiin haatan waxa uu ku biiray Real Madrid iyadoo waqti xun ay u tahay kooxda Chelsea kuwaasoo haatan racfaan ka qaadanaya xayiraad laga saaray suuqa kala iibsiga inkastoo ay xagaagan soo dhaweeyeen saxiixooda cusub Christian Pulisic.

Tababare Zidane ayaa shaaca ka qaaday in Gareth Bale uusan qeyb ka aheyn qorshihiisa, Hazard ayaana ah xiddig dhanka goolasha iyo caawinta kaga fiicnaa dhigiisa reer Wales, waxaana uu weerarkiisa la mid ahaa kan weeraryahan Karim Benzema.

Qaab ciyaareed Hazard waxaa inta badan lala barbardhigaa kan xiddiga Barcelona Lionel Messi, laakiin sida ka muuqata garaafka hoose, waxa uu aad uga hooseeyaa xiddiga Barcelona iyo weliba kan PSG Kylian Mbappe.

 

Madrid inta badan waxa ay garbaha ka ciyaarsiineysay xilli ciyaareedkii dhamaaday xiddigaha Marco Asensio iyo Lucas Vazquez, xiddiga reer Belgium ayaana labadaan aad uga sareeya, inkastoo labadaan xiddig ay yihiin kuwa gadaal u soo dega oo kubada difaacda.

Xogta ay uruurisay Football Whispers waxa ay soo jeedineysaa in kaliya todobo weeraryahan oo dunida kubada cagta caan ka ah inay ka sareeyaan ama la mid yihiin qaab ciyaareedka Hazard waxaana ay kala yihiin: Messi, Mbappe, Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski, Benzema iyo Luis Suarez.

Waana liis aad u qiimo badan taasoo hoosta ka xariiqeysa sababta ay Real Madrid uga dhigatay bartilmaameedkeeda koowaad xagaagan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...