Eden Hazard Oo Waqti U Qabtay In Lagu Dhameystiro Heshiiskiisa Real Madrid Xilli Chelsea & Real Qiimeyntiisa Ku Kala Tagsan Yihiin

Date:

Eden Hazard ayaa doonaya in heshiiskiisa la filayo inuu ugu biiro Real Madrid in la dhameystiro in ka yar isbuuc ka dib finalka Europa League, sida ay qortay jariirada Daily Mirror.

Xiddiga Chelsea ayaa u qabsaday ilaa iyo 4ta bisha Juun in lagu xaliyo mustaqbalkiisa iyadoo Real Madrid ay xoojin doonto xiisaheeda xiddiga reer Belgium iyagoo dalab ka gudbinaya.

Si katsaba, kooxaha ayaa weli kala durugsan iyadoo qiimo gaaraya 26 milyan ginni uu u dhaxeeyo, ilaa iyo haatan Real Madrid waxa ay ku dooneysaa 86 milyan ginni halka Chelsea ay raadineyso lacag ku dhow 112 milyan ginni.

Waxaa la filayaa in heshiis meel dhexe ah la gaaro iyadoo Hazard uu hubo inuu ka tagayo Stamford Bridge una wareego Santiago Bernabeu xagaagan.

Laakiin waxaa la rumeysan yahay inuuu sheegay saaxiibadiisa inuu doonayo in heshiiska la dhameysto ka hor inta uusan ku biirin xulka Belgium ee kulamada isreebreebka Euro 2020 la ciyaaraya Kazakhstan 8da Juun iyo Scotland 11ka Juun.

Tababarihii hore ee Hazard, Jose Mourinho ayaa isna aaminsan in heshiiska uu dhici doono.

“Waxay u muuqataa in kulankiisii ugu danbeysay ee Blues inay u tahay Eden” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports.

“Waa ciyaaryahan muhim u ahaa guulihii Chelsea ee jiilkii ugu danbeeyay, waxaana Eden uu isku dayi doonaa inuu noqdo qofka uu yahay watqiga intiisa badan – ciyaaryahan fantastik ku ah garoonka.

“Waxa uu doonayaa inuu Real Madrid aado isagoo koobkiisii ugu danbeeyay la qaaday Chelsea.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...