Tababare Arsene Wenger Oo La Siiyay Kaliya Sadex Isbuuc Si Uu Go’aan Uga Gaaro Mustaqbalkiisa Arsenal.

Tababare Arsene Wenger ayaa fursad loo siiyay inuu go’aan kama dambeys ah ka gaaro mustaqbalkiisa Arsenal iyo hadii uu doonayo inuu heshiis cusub u saxiixo sida ay sheegayaan warbixino dhawr ah.

Macalinkaan reer France haatan shaki ayaa la galinayaa mustaqbalkiisa kadib niyad jabka kooxdiisa ee horyaalka iyo foolxumadii ay kaga soo hartay tartanka Champions League-ga.

Qof walba ayaa shaki galinaya haatan sidoo kalana hadal haya in macalinkaan ay uusan kusii nagaan doonin garoonka Emirates Stadium, balse Lincoln City ayey wiilashiisa 5-0 ku dhufteen kulan ka tirsan wareega Quarter Finalka FA up iyadoo ay usii dheer tahay in Jamaahiirta aysan wali joojin kacdoonka ay ku dalbanayaan in Wenger uu isaga tago kooxda.

Si kastaba The Sun ayaa shaacisay in gudoomiyaha Gunners Chips Kewwick uu talaadadii u sheegay Arsene Wenger inuu heysto kaliya sadex isbuuc inuu mutsaqbalkiisa go’aan kaga gaaro.

Warbixinta waxey intaas kusii dareysaa in 67-jirkaan go’aanka laga rabo ka hor kulanka Manchester City ee dhici doona 2-da April.

Ugu dambeyntiina hadii Wenger uu go’aansado inuu isaga tago kooxda waxey maamulka Gunners qorsheynayaan iney keenaan Massimiliano Allegri oo juventus tababare u ah.

Comments

comments