Muxuu Tababare Antonio Conte Ka Yiri Wararka Xanta Ah Ee Eden Hazard

Inkastoo aysan wali kala cadeen halka uu ahaan doono mustaqbalka Eden Hazard, hadana tababaraha kooxda Blues Antonio Conte ayaan u muuqan mid si weyn uga walaacsan xidigaan mar la weydiiyay hadii xidigaan reer Belgium uu ka tagayo Stamford Bridge.

Real Madrid ayaa si indho la’aan ah u xiiseyneysa Eden Hazard iyadoo Zinedine Zidane uu mar walba yahay mid u baahi qaba xidigaan kubad sameeyaha ah.

“Dhamaan waa wax ka mid ah ciyaarta, wararka xanta ah ee Eden waxey khalkhal galineysaa ciyaartoydeyda” ayuu yiri Conte. “Kaliya waxaan dhihi karaa in Eden uu sameynayo wax fiican isla markaana uu nagu faraxsan yahay”

“Wax badan ayaan khibrad u leeyahay maareynta xaaladahaan oo kale, waana wax caqli ah sidoo kalana caadi ah iney xanta bilaabato marka xaaladaan oo kale la joogo xili ciyaareedka”

“Wey i farxad galineysaa arintaan sababtoo ah waxey la micno tahay inaan shaqo fiican qabaneyno”

Comments

comments