Somaliland: Ciidanka Asluubta Oo Ku Guullaytay Dhoola-Tuskii Ay Saaka Iskugu Yimaadeen Ciidammada Qalabka Sidda Ee Somaliland

Date:

Iyadoo lagu lagu jiro diyaar-garowga xuska dabaal-daga 18 May ayaa qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka siddaa ay ku guddo jiree gaado ka ciyaar ay samaynayeen todobaadyadii ugu dambeeyay,

Marka laga yimaado Gaado-ka ciyaarka ay sameenayaan Ciidamada Milatariga, Booliska, Asluubta, Badda, laanta socdaalka, iyo Damdamisku ayaa waxaa intaasi u dheer in uu dhexdooda ka jiro tartan gaaddo ka ciyaar ka dhexeeya lana xuso Ciidanka ugu marista wanaagsan.

Haddaba saaka oo ciidamadu iskugu yimaadeen tartartankoodii koowaad ayaa waxaa ku guulaystay Ciidanka Asluubta Somaliland oo sanadahii ugu dambeeyay hogaaminayay guusha gaaddo ka ciyaarka ciidanka ugu wanaagsan,

Guddida Dabaal-daga 18may ayaa qiray in saaka oo tartanka Boroobada koowaad bilaamay ay ku guulaysteen Ciidanka Asluubtu,

Wali waxaa hadhay sidda saraakiisha Ciidamadu sheegeen laba tartan oo kale oo Baroobo ah kaas oo dhex mari doona ciidamada, waxaana halkaas marka ugu dambeeya lagu shaacin doono cidda ku guulaystay labada gaada-ka ciyaarkaasi.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye-Guuto Axmed Cawaale Yuusuf “Libaax” iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Sarreeye-Guuto Xasan Cali Cawad ayaa bogaadiyay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Asluubta, waxaanay Xuseen in Ciidanka Asluubtu majaraha u hayn doono Gaaddo-ka ciyaarkasta oo la soo bandhigo,

Ciidanka Asluubta ayaa sanad-kasta ku guulasta in loo aqoonsado Ciidanka ugu gaardiska wanaagsan Ciidamad qalabka sidda ee dalka waxaana kal-hore Madaxwayne Muuse Biixi warqad bogaadin iyo Hambalyo ah u soo qoray Ciidanka Asluubta markii uu dhamaaday doola-tuskii 18May ee Kal hore.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...