Somaliland: Wasiir Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ka Tirsan Oo Ka Gubtay Dhaliishi Ex Wasiir Oday Cadaami.

Date:

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo hadal ka jeediyay Munaasibad Qado Sharaf ah oo lagu Sooryeeyay Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee Maalmihii u Dambeeyay ku sugnaa Caasimada Hargeysa, ayaa hadal Duur xul ah dusha uga Tuurey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isagu Cidhiidhsadey inuu hadal ka jeediyo Munaasibadaha Qado sharafeedka ah ee lagu Maamuusayo Madaxdhaqameedka .

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadalkiisa ku Suntey Soo dhaweynta ergada Madaxdhaqameedka iyo ahmiyada loo hayo Wakhtigan isagoo Carabka ku dhuftey, in Aaney Wali joogsan haseyeeshee, ay isdaba socoto Casuumadaha lagu Sooryeynayo, Waxa uu sigaar ah u Xusey isagoo u Duur Xulaya Wasiirkii hore ee Wsaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami islamarkaana uga hal Celinaya in hadaladiisa Xiligani aaney Macno badan Sameyneyn haseyeeshee, ay Munaasib ku ahaayeen mudadii uu Xilka hayey oo aanu Inta badan ka hadli jirin Duruufaha ka jira Deegaanadaasi, isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu yidhi.

“Axmed Xaaji Cali Cadami Waxaanu labadayaduba kawada Tirsaneyn Xukuumadii hore, Anigu Xukuumadana Waan ka tirsanahay Waxaan Leeyahey Labadeenuba Waxeynu Nahey Dadka lala Xidaabtamayo ee Safka Martida aynu kasoo Baxno”Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Waxaanu intaa ku Darey hadalkiisa, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay Anigoo kamid ah Gudida Qabanqaabadda in ay kala Badan yihiin Liiska kutalagalka Dadka Casuumadaha ugu talagaley, iyo Wakhtiga kutagalka inta Waftigu joogi Karaan taasina Waxey tilmaamaysaa Quluubta Wanaagsan iyo Isjacelka ehelnimada ah Waa Wax illaahay.loogu mahadiyo Maanta ilaa Gabiley iyo Boorama Waxaa la leeyahey goormaad Waftiga isa soo dhaafinaysaan insha Allah Waala Doonaa” Ayuu yidhi Wasiirku.

Hadalkan Wasiirku ugu Duur xuley Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa daba Socda lacago Fara badan oo uu Sanaag Bari u qaadey ee aheyd lacagihii 2% Gobolada Bari oo ay Wada Qaadeen Xubno kooban oo Isugu jirey Xildhibaano iyo Odayaal uu kamid Yahey Siciid Bidaar oo hada ka daba yimid Waftiga iyo Wasiirkii gacamey iyo Rag kale taas oo mudo badan lagu Xansanayay haseyeeshee, aan gaadhin guud ahaanba Deegaanadaasi Sanaag/Barri

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...