“Xalka Soomaaliya Wuxuu Muuqan Doonaa Wixii Ka Dambeeya Wada-Hadalada Somaliland”……Sheekh Shariif

Date:

Madaxweynihii hore ee Maamulka Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu ka digayo wax uu ku yeedhay in lasii fogeeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulkooda iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay inay ay muhiim tahay in Somaliland lasoo dhaweysto, isagoo intaas ku daray inaanay Somaliland diidaneyn sida uu hadalka u dhigay midnimada balse ay jirto tabasho xal u baahan.

“Hoggaanka Somaliland waa in lala fadhiisto maadaama dalka uu hadda ka jiro is-bedel, Xalka Soomaaliya wuxuu u muuqan doonaa wixii ka dambeeya wada-hadalada Somaliland,” ayuu yidhi Sheekh Shariif oo Madaxweyne ka soo noqday Maamulka Muqdisho ee AMISOM taageerto.

Sidoo kale, Sheekh Sahriif ayaa wuxuu mar kale hadlakiisa ku yidhi: “Walaalalaha Somaliland waxbay tabanayaan, khaladna wuu dhacay oo ma jiro nin inkiri karaa. Haddaba, aniga waxay ila tahay inaan la gar-naqsanno ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay haddana ku yidhi dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay.” Ayuu yidhi sheekh Shariif.

Wadaadkan Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wataa waxa uu mar kale yidhi. “Marka haddii aan ALLE ka baqno waxay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda.”

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in xal deg-deg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, wuxuuna caddeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Soomaaliya sida uu hadalkiisa u dhigay.

Dhinaca kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha wakhtigan ee maamulka Muqdisho ee AMISOM taageerto Mr. Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa inay gar-waaqsadan Tabashooyinka Somaliland, isla markaana ay ka shaqeeyaan isaga oo yidhi: “Waxa innagu waajib ah in aan wanaajino walaalahaas inaga maqan  si ay u soo deg-degto midnimada la raadinayaa”.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in Adduunku raadinaayo midow, halka Somaliland ay xilligani mareyso gooni-isku-taag, balse wuxuu ku baaqay in la raadiyo wax uu ugu yeedhay midnimada Soomaali weyn oo uu ku sifeeyey mid ku xidhan Somaliland oo lagu qanciyo wada hadalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...