Magaalo Soomaali Degto Oo Aan Bil Dhan Laga Cunin Waslad Hilib Ah Iyo Sababta Dadku U Hilib Waayeen!!

Date:

Magaalo ka tirsan Deegaanka Woqooyi Bari ee Dalka Kenya ee ay Soomaalidu Degto waxa gabi ahaanba muddo bil iyo dheeraad ah ka dhacday xaalad dhinaca cuntada ah oo dadka deegaanku aad u hadal hayaan warbaahinta Kenya-na lagu baahiyay taasoo ah in dadka deegaankaasi aanay muddoda intaasi le’eg dhadhamin ama cunin wax hilib ah iyada oo Soomaalidu ka mid tahay shucuubta adduunka ugu hilib cunista badan gaar ahaan hilibka xoolaha.

Dhawaan ayay ahayd markii amar ka soo baxay maamulka Degmada Wajeer dadka lagaga mamnuucay dhamaanba wax soo saarka xoolaha sida Hilibka balse ugu dambayn dorraad laga qaaday xayiraaddaasi oo saarnayd dadka muddo Bil ah taasi oo keentay in dadku hilib beelaan.

Wareegto haddaba kasoo baxday maamulka Wajeer ayaa lagu sheegay in xayiraaddii lagu soo rogay dadweynaha ee k u saabsanayd  ka ganacsiga iyo cunidda wax soo saarka xoolaha gaar ahaan Hilibka laga qaaday.

Xayiraaddaasi ayaa waxay mamnuucaysay in laga ganacsado hilibka iyo dhammaan wax soo saarka xoolaha.

Wixii ka billaawda 7-da bishan July oo ku beegan Maanta oo Sabti ah dadweynaha reer Wajeer waxay si rasmi ah uga ganacsan karaan dhammaan wax soo saarka xoolaha iyada oo xaafaduhu karsan doonaan Hilibka.

Dadweynaha waxaa loo soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin. In Inta aan la gowricin neefka xoolaha ah in la eego caafimaadkiisa. Nadaafadda in la dhowro iyo qodobo kale.

Horraantii bishii June ayaa dadweynaha reer Wajeer laga mamnuucay wax soo saarka xoolaha oo ay kamid ahayd cunnida iyo ka ganacsiga hilibka kaddib markii cudurka Riftvalley uu ka dilaacay halkaasi, Waxaana la xiray kawaannada si loo xakameeyo faafidda cudurka Rift valley.

Soomaalida oo si ba’an u cunta Hilibka ayaa sharcigaasi mudadaa uu hayay waxa ay ku noqotay caqabad weyn waxaanay imika dadku u arkaan in ay cuni karaan hilibka oo ay aad ugu baahdeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...