Somaliland: Somaliya Imika Islama Jaanqaadi Karno Oo Madaxweyne Iyo Barlamaan Shacab Soo Doortay Kama Taliyaan” –

Date:

“Somaliya Imika Islama Jaanqaadi Karno Oo Madaxweyne Iyo Barlamaan Shacab Soo Doortay Kama Taliyaan”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Somaliya aanay sinaba iskula jaanqaadi karin, madaama uu xusay in Somaliland tahay dal Dimuqraadiya, oo Doorashooyin xor iyo xalaal ahi ka dhaceen, isla markaana Shacabka reer Somaliland ay iskood u doortaan Madaxweynahooda iyo Barlamaankooda, halka uu tilmaamay in Somaliya aanay ka talin Madaxweyne iyo Barlamaan ay Shacabku soo doorteen.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Somaliland iyada ayaa isku tashatay, oo Maamulkeeda,

Ciidankeeda iyo Shaqaalaheedaba iyada ayaa xalisa, halka Somaliya intaas oo maamul Goboleed ka jiraan, waxaana xusid mudan in Maamul Goboleedada oo ay ugu horeeysay Puntland, loo sameeyey in Somaliland lagu xumeeyo, halka runtii ay Somaliland amaankeedu sugan yahay, Somaliya maalayiin lacag ah ayaa amaankooda lagu dul cunaa,

Somaliya markay dhisato maamul kaamila, oo gaadha Somaliya oo dhan, maxa yeelay Somaliya kama taliyaan Madaxweyne iyo Barlamaan ay Shacabku iskood u soo

doorteen, halka Shacabka reer Somaliland ay iskood u doortaan Madaxweynahooda iyo Barlamaankooda, oo qof walba cida uu u garto inuu codkiisa siiyo ayuu siiya, markaas

Somaliya imika islama jaanqaadi karno, maxa yeelay Madaxweyne iyo Barlamaan Shacab soo doortay, kama taliyaan, waxaana haboon inaynu wada hadalno Somaliya marka ay ka taliyaan Madaxweyne iyo Barlamaan cod shacab ku yimid”.

 

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland iyada ayaa iyada ayaa xoriyadii ugu hor qaadatay, iyada ayaa shanti Somalida raadinaysay, midnimadii shanta Somaliyeedna wey

fashilmeen, sidaas oo ay tahay Somaliland dib ayey ula soo noqotay xoriyadii ka luntay, cid kasta oo ku fikiraysa midnimo dambe inay Somaliya na dhex marto, ha ogoto in calankaas tawxiidku aanu dhacayn, sinabana Somaliya ugu biiri mayno, maxa yeelay waanu ka tashanay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...