Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagadaasi ee xisbiga KULMIYE mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmooyinka Xariirad iyo Boon iyo degaannada hoosyimaada oo uu ku maray socdaal qayb ah ololaha doorashada xisbiga KULMIYE ee maalintiisa lixaad.
Madaxweyne-ku-xigeenka o ay wehelinayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, , masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga KULMIYE oo uu ka mid yahay Axmed Muumin Seed iyo madaxdhaqameed, ayaa qaabilaad diirran kala kulmay dadweynaha ku dhaqan degaannada Xariirad, Boon, Ceelbaxay, Xaliimale iyo Weerarta oo isu-soo-baxyo ku muujiyeen taageerada xisbul-xaakimka Somaliland iyo siday u dooran lahaayeen murrashaxiintiisa ka sameeyey magaalooyinkaasi
Shacabka degaannada Xariirad, Boon, Ceel-baxay, Xaliimale iyo Weerarta , ayaa iyaga oo isku duubban muujiyey inay taageero laxaad leh u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxaanay iyagoo badhkood ku lebbisan astaanta caanka ah ee KULMIYE ay sawaxan iyo mashxarad kusoo dhaweeyeen Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayo.
Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murrashaxa xilkaasi ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaacil (Saylici) oo khudbado u jeediyey shacabka ku dhaqan degaannada uu maray, ayaa uga mahadnaqay taageerada ay KULMIYE u muujiyeen, waxaannu uga warramay waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay dalka muddadii hore ee ay xilka haysay, isla markaana ay iminkana doonayaa inay kor u sii qaadaan horumarinta iyo gaadhsiinta bulshada adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada.