Somaliland: Reer Gabiley oo Wacdaro aan Hore Loo Arag Ugu Dabbaaldegay Maalinta Saddexaad ee Ololaha Xisbiga KULMIYE

Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE eek u dhaqan magaalada Gabiley, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo idhaha soo jiitay ugu dabbaaldegay maalinta saddexaad ee ololaha xisbul-xaakimka KULMIYE oo maanta ku beegnayd.
Taageerayaashan oo ku lebbisan astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa isugu soo baxay waddooyinka kala duwan ee dhexmara magaalada Gabiley, waxana ay cod dheer ku muujinayeen inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, islamarkaana codkooda siin doonaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE.
Saraakiil xisbiga iyo xukuumadda katirsan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada wasaaradaha wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale, xildhibaanno iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee Gabiley kala qaybgalay isu soo baxan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo taageerada reer Gabiley, isla markaana lagu dhiirrigelinayo inay codkooda u hubsadaan.
Maamulka xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE u qaabilsan magaalada Gabiley, ayaa iyaguna taageerayaasha reer Gabiley kala qaybgalay dhoollatuskooda taageero oo farriin cad u ahayd asxaabta mucaaridka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal mahadnaq iyo dardaaran isugu jira u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Gabiley, waxana uu uga mahadnaqay taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Comments

comments