Xildhibaan Meel Fagaare Ah Sarajooga Ku Kaajay Oo Maxakamad Lasoo Taagay

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda ayay maxkamad ku ganaaxday $10 ka dib markii la sheegay inuu ku kaajiyay meel fagaare ah.

Xildhibaanka oo isagoo wadada maraya intuu gaadhigiisa ka degey meel gidaar ah sarajooga ku kaajay oo sawir laga qaaday ayaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyey kaasi oo  hadal hayn badan ka dib markii uu keenay  ay ciidammada buliisku xabsiga u   sida uu ku warramay wargeyska New Vision oo warkan aanu kasoo xiganay. Mp.

Abraham Abiriga ayaa lagu ganaaxay $10 ka dib markii uu qirtay inuu dambigaasi galay 25-kii September meel u dhaw wasaaradda maaliyadda. Waxaa loo cuksday xeerarka dowladda hoose ee Kampala oo dhigaya in qofkii magaalada gudheeda xaajadiisa ku gutaa lagu ganaaxi doono 40,00 shilinka Uganda ah(10 doolar) ama uu muteysan doono laba bilood oo xadhig ah.

Mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay arrintaasi ayuu xildhibaanku ku jawaabay ”ma waxaad rabteen inaan kaadida isku celiyo”

Comments

comments