Sifooyinka Hoggaamiyennimo Ee Ay Muuse Biixi, George Washington, Andrew Johnson & Charles de Gaulle

AKHRI Qormo Mug Leh Uga Faalloonaysa  Sooyaalka Muuse Biixi Cabdi, George Washington, Jamaal Cabdi Naasir, Andrew Johnson,  Xafidul Asad, Winfield Scott iyo Charles de Gaulle

Markii uu dhamaaday dagaalkii ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM ) kaga guulaysatay Taliskii Siyaad Barre, ka dib, dib u xoreyntii Dalka jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii. Isla-wakhtigaas, waxa ciidamaddii xaq u dirirka ahaa ee (SNM) la kala siiyey Affar Darajo oo kala ahaa, sidan. Darajadda-koowaad waxa la siiyey Raggii siidhiga affuufayey ee ku jiray jiidaha hore ee ciidamaddu ay ka dagaalamayeen, “Premier to Premier”, taasoo ahayd , ahmiyaddii koowaad ee ugu muhiimsanayd, uguna sareysay Madax-da hoggaaminaysa Dowaladda Jamhuuriyadda Somaliland. Halka iyana la siiyey Darajaddii-Labaad Raggii miiska dushiisa ku qorsheyn jiray nidaamka iyo hawlaha ciidanka, “Premier Lazy” Ahmiyadda labaad ee ku xigeenadda madax-da hoggaamiyayaasha Dowlada Jamhuuriyadda Somaliland.  Waxa kale oo Darajadda-Saddexaadna la siiyey, “Stupid Active” oo ahaa Doqonadda firfircoon ee xukunka ay gooyaana uu ahaa mid aad hooseeyey, isla markaana ay garashaddoodu ay ahayd mid aad u yarreyd, Raggaas oo ahaa kuwo marka uu dagaalku socdo odhan jiray laba-Kaarre ayaa ina weydaartay, halka Darajaddii- Affaraadna la siiyey “ Stupid Crazy” Doqonadda aan wax-baba hubsanin, Raggaas oo ahaa Saad-hayayaashii marka uu dagaalku socdo ee ay rasaastu kala go’do, iyadoo rasaas loo baahan yahay soo diri jiray shiidaalka ama wax kale oo aan loobaba baahnayn, kuwaas. Sida aynu wada ogsoonahay, wakhtigaasi waxa la siiyey Darajadda Koowaad ee “Premier To Premier”, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo lagu tilmaamo in uu yahay Hoggaamiye leh Dhaqan, Diin iyo Waayo Arragnimo, kaasoo hadda, Hoggaamiye iyo murrashaxa Madax-weyne u ah Xisbiga Nabada, Midnimadda, iyo Horumarka ee tallada dalka haya kulmiye (PUD party).  Inkastoo, lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu, mid bulshadeed, diimeed, siyaasaddeed iyo ollole-kooxeedba, haddana waxa lagu qiimeeyaa Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi in uu la mid yahay hoggaamiyayaashii ugu wanaagsanaa ee ka soo taliyey Aduunka, kuwaas oo lagu qiyaasay 96% inay ahaayeen Askar ka tirsanayd ciidamada millateriga, waxaana ka mid ahaa hoggaamiyayaashaasi, Jamaal Cabdi Naasir, Andrew Johnson, Xafidul Asad, George Washington, Winfield Scott iyo Charles de Gaulle oo ahaa saraakiishii ku guulaysatay difaacidii dalka farancsiiska ee uu damacsanaa in uu qabsado Jarmalku (Germany) dabaqayaaqadii bishii January 1940-kii. Charles de Gaulle Wakhtigaas ka dib, waxa uu ka tagey taliskii sare ee ciidamadda, isagoo ku biiray dhinaca siyaasadda, waxaanu murrashax madax-weyne ka noqday Xisbigii wadaniga shaqaalaha, isla-markaana waxa uu ku hellay si mutadawacnimo ah taageeraddii ugu badneyd difaaciddii dalka Faransiiska, inkastoo, aanay u lahayn wax-aqoon ah dadkii ku noolaa Dalka Faransiiska iyo Dalka Ingiriisku, Haddana, Dadkaas waxa ay rumaysnaayeen in hiigsigiisaas uu ahaa mid lagu wada qanacsanaa tayadiisa hoggaamiyenimo eek u hoggaamindoono Dalka Faransiiska (France). Waxa uu ka qalin jabiyey Jamaal Cabdi Naasir Kuliyaddii Ciidamada Dagaalka, Sannadkii 1938-kii, horaantii bishii June, Sannadkii 1967-kii, Dadka reer Masar waxa ay u sameeyeen mudaharaad weyn oo ay ku taageersanaayeen in uu ku biiro hoggaaminta Dalka Masar, iyagoo u arkaayey inuu yahay Nin Hoggaamin karra Dalkooda, ka dibna, waxa uu badelay Sannadku markuu ahaa 1970-kii, Madax-weynihii dalka Masar ee la odhan jiray Anwarul Sadaat. Halka Muuse Biixi Cabdina uu ka qalin jabiyey Kuliyaddii-Cilmiga Barashadda Duulimaadka Diyaaraddaha Dagaalka ee kishanpura oo ku taalay dalka Ruushka sannadku markuu ahaa 1973-kii, ka dibna, waxa uu ku biiray jabhaddii xaq u dirirka xornimo doonka ee (SNM), Sannadkii 1985-kii, isla-wakhtigaasi, waxa uu noqday Taliyihii Ciidanka dagaalka ee Aaga Bari, waxaanu ka mid ahaa saraakiishii (SNM) ee ku guuleysatay dib u xoreyntii Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Billowgii bishii February, Sannadkii 1991-kii, waxa uu ka soo qayb qaatay dhismihii Dowladnimo ee lagu dhisayey Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka soo qabtay xillal kala duwan Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland. Sannadku markuu ahaa 2002, waxa uu u xuub siibtay dhinaca siyaasadda oo uu ka gaadhay in uu ka noqdo hoggaamiyaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye, isla-markaana ahna, Murrashaxa uga tartamaya Jagada Madax-weynaha Xisbigaasi, sidoo kalena, dadka wax saadaalinayaa waxa ay ku qiimeeyeen, sababta uu sida mutatawacnimo ah ugu hellayo taageeradda ugu badan ay tahay, in la rumeysan yahay Tayadda Hoggaamintiisa oo wanaagsan, isla-markaana lagu wada qanacsan yahay himiladdiisa uu ku hiigsanaayo hoggaaminta taladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ay taasi ku macneeyeen, iyagoo bud-dhig ugaga dhigay, inuu yahay Hoggaamiye ka soo qayb qaatay halgankii dheeraa ee dib u xoreyntii Dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo in uu yahay Nin hoggaamin kara dad badan oo qabiili ah, oo ka badan kuwa cilmiga leh, kana badan kuwa xidhiidhka sarre leh, kana sii badan kuwo aad aad-ula yaabayso macluumaadka ay xanbaarsan yihiin iyo xoggaha ay bixinayaan. waxa kale oo ay ku sifeeyeen farshaxannimadda hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE in uu yahay mid had iyo jeer wax ka baranaayey isbad-badalada cimiladda Aduunka ka jira, mana aha bay yidhaahdeen, mid ku koobnaa akhriska Buuggaagta iyo wararka sida hirarka mowjadaha u qulqulaya oo kaliya, laakiinse, waa Hoggaamiye awood u leh inuu ka tanaasulo fikraddaha duur-joogta ah ee madhan, ee ay faafiyaan duur-joogtii ka dareertay Xisbigiisa ee ku biirtay Xisbiga WADANI, waxaanu wax u qabtaa sida saxda ah ee ku haboon Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi.  Marka laga hadlaayo Hoggaamiyaha waxa garaadkeenu ina siiyaa wax-yaabo badan, kaasoo, innoo sawira muuqaalo kala duwan oo leh siyaabo badan oo kala gadisan iyo su’aalo badan oo innooga baahan jawaab sax ah in aynu kaga jawaabno, kuwaas oo ay ka mid yihiin, :- Aduunka ma Hoggaamiyey Boqortooyo Boqor Jillaa ahi, Boqor War-doon ahi, Boqor Sirdoon ahi, Boqor Xab-xable ahi, Boqor Farsamo-yaqaan ahi, Boqor Maal-qabeen ahi, Boqor Tuug ahi, Boqor Macalin ahi, Boqor Dhakhtar ahi? . Sida ay taariikhdu sheegtay su;aasha jawaabtaas in aanay aduunka ka dhicin inay noqdaan Hoggaamiyeyaal, inkastoo tiradoodu ay aad u yareyd dhakhaatiir hoggaamiye ka noqday aduunka, balse, waxa ay ku sababeeyeen dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee dhinaca Hoggaamintoodii ay ahayd, kuwaasoo marka ay shaqeynayaan ka horeysiinayey dantooda gaarka ah danta caamka ah ee guud, isla-markaana, ay ahaayeen kuwo ay xageysay xoriyaddoodu oo qiimeynaya qaab-dhismeedka ugu sareeya, laakiise, Hoggaamintu waa mid u shaqeysa dadka kale iyo danta caamka ah ee guud. Sidoo kalena, waxa haga cilmiga barashadda caafimaadka iyo cuduradda sidii la iskaga difaaci lahaa, iyagoo u isticmaalaya farsamo- xaalladeed iyo jawaabaha maxsuulka ka soo bixi doonta baadhitaanadii lagu sameeyey bukaanka, halka ay Hoggaamintuna u isticmaalsho hab- xeeladdaysan, Abuurid iyo muuqaalo sawirkoodu uu aad u wanaagsan yahay. Waana kuwo xidhiidhkoodu aad u hooseeyo, isla-markaana, ku farxa hal-xidhaalayaasha in ka badan dhibaatadda dadka haysata, taasoo lagu tilmaamo in Hoggaaminta Dhakhaatiirtu la mid tahay, sida dhaqashadda Bissadaha oo kale, sidaa daraadeed, ayey ugu yar tahay Boqortooyo Boqor dhakhtar ahi uu hoggaamiye ka noqdo dunida aynu ku nool nahay, laakiinse, kuwaa kale taariikhdu meelnaba kumay xusin. Haddaba, si aanay maalin kasta yab-yab, yabooh iyo yagleel cusubi aanay innoogu dhicin, waxa muhiim ah in aynaan sahan la’;aan guurin, maadaama, sahamintu ay tahay aassaass koowaad ee himilladda dadweynaha, sida, dadka reer guuraaga ahiba ay ugu sahamiyaan xoolahooda dhulka biyaha, naqqa iyo dooga leh ee ay dajin lahaayeen. Dhinaca u sahaminta dalku inuu yeesho hoggaamiye wanaagasan, halbeega sahaminta loo isticmaalo ee lagu qiimeeyo wakhtigan kala xulashada Murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasaddeed ee UCID, WADANI iyo KULMIYE tartamaya inay ku guuleystaan jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Cabbir hagaha ugu fiican inaynu ku qiimeeyno sifaha murrashaxiinteena in ay yihiin kuwo leh arragti-fog, hiigsi, himmilo mustaqbal, daacadnimo, dhiirigalin, fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra, raadiyana waxa khaldan si uu u saxo, sababeyn karana tallaabo kasta oo uu qaadayo, oo aan lahayn eex, isla markaana, aynu u arragno inuu si siman dadkiisa u wada-daweyn karro, sameyn karana dhawaaq amar leh oo go’aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay, wakhtiga ku haboona wax-ka-beddeli kara mallihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee lagu xaliyo dhibaatooyinka, kuna hanweyn inuu dhaxal ugaga tagayo dadkiisa.  Guntii iyo gabagabadii waxaan qormadaydan ku soo gunaanadayaa in aynu xusuusnaano, in aanay jirin himillo ka wanaagsan himilladda indhaheenu ay arkayaan hoggaamiyaha leh sifooyinkaasi dhamaantood wuu ku sifeysan yahay Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanan u dhaafayaa bahda illa wadaagta akhriska qormooyinka aan ku baahiyo mareegaha wararka iyo wargeysyadda madaxa-banaan.

Qalinkii :- Maxamed Faarax Qoti

Comments

comments