Waxa Baraha Social media-ha Dhex wareegaysa Warqad uu Qoray Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia Yusuf Garaad oo uu Lacag taageero u Waydiinayo Dalka Qatar iyo Saaxibadiisa kale si loo Taageero Xisbiga Mucaarid ka ah ee Waddani.
Warqad ayaa ku qoran Afka ingiriisaga ayuu Wasiir Yusuf Garaad ku Sheegay in uu Xisbiga Waddani yahay Xisbiga kaliya ee Soo celin kara Midnimadii Somaliland iyo Somalia.
Read More: Somalia PM Sharmarke meets Somaliland opposition to boost campaign
Read More: Somaliland: UCID official accuses Abdirahman Irro of committing treason
Read More: Cirro oo la Sheegay In uu Kulan Qarsoodiya La Yeeshay Dawladda Soomaaliya
Read More: Is a Istanbul, Waddani, Mogadishu trio planning a Somaliland takeover?
Read more: Xog Culus Xisbiga Waddani Oo Cadaystay Inu La Mawqif Yahay Xukuumadda Farmaajo
waxa ay warbaxino hore oo ay qoreen warbaahinta Khaliijku ku Sheegeen Loolanka ku dhex maraya Waddamadda Qatar iyo Imaaraadka Somaliland iyo Somalia.
Waxana ayay wararka qaar sheegayaan in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cirro uu Dalka Turkey siiyey qayb ka mid ah Kharashka uu ololaha kugali lahaa (Xogo Diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in ay Maamulka Muqdisho ugu soo dhiibay Dawladda Turkey) waxana uu Cirro Kharashkaas soo qaatay Safarkii u kutagay Ankara ka hor inta aanu tagin Xajka Sannadkan.
Warbaxino hore ayaa Sheegay in uu Xisbiga Waddani aad ugu dhex jiro Maamulka muqdisho, gaar ahaan Farmaajo iyo Cirro oo Shirir kala duwan hore u galay Si ay u fuliyaan dano ay leeyihiin.
Sida laga War qabo wali lama arag Gudoomiye Cirro oo u Jawaabaya Somalia taas oo Tuhuno badan ku abuurta Shacabka Somaliland oo aad isha ugu haya Dhaqdhaqaaqyada Somalia.