Somaliland: Kulankii Madax-dhaqameedka Bariga Burco Ee Mustaqbalka Cidda Lagu Wareejinayo Guddoomiyaha Kulmiye Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday Dibna Loogu Riixay Doorashada Kadib

Kadib shirkii Beesha Biciido ee Habar-Jeclo ee ka dhacay Gobolka Sanaag Oo uu ka soo istaadhmay Qorshe lagu raadcaynayo shaqsiga mustaqbalka beeshaasi ku wareejinayso Gudoomiyaha Xisiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Dabadii,ayaa waxa uu shir uga qabsoomay Magaaladda Burco beesha Bariga Burco,kaasi lagaga wada hadlay waxa laga yeelayo Booska Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye,Waxaana kulankaasi hadheeyay Muran iyo buuq,iyadoo markii dambe xaalada caadi lagu soo celiyay.
Sida ay noo xaqiijiyeen Illo-Wareedyo u dhuun daloola Kulankaasi,waxa kulankaasi shalay fooda isku daray Huteel City Plaza ee Caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco Guddiyo ka soo kala jeeda Labada laamood ee ugu wayn Beesha Bariga Burco ee Muuse Abokor iyo Maxamed Abokor, Waxaanay isla jeex jeexeen waxa ay ka yeelayaan Mustaqbalka Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Doorashada kadib cidda loo cumaamadayo,iyadoo Beesha Muuse Abokor miiska soo saartay inay doorkan xaq u leeyihiin in booskaasi hadal la’aan loo haneeyo oo lala baadi doono ka hor intaanay Doorashadu dhicin. Buuq iyo Muran xoogleh oo kulankaasi hadheeyay kadib waxay arintaasi keentay inay Kulankaasi iskaga dareeraan beesha Reer Daahir iyo Axmed Faarax oo Ku abtirsada Maxamed Abokor,iyagoo labadaasi beelood ganafka ku dhuftay dalabka beeshaasi uga yimid iyo in wakhtigan Ololaha lagu jiro la baadi doono Booskaasi oo uu hadal yimaado.
Sida war bixintan aanu ku helnay,waxa markii dambe kulankaasi lagu soo dabaalay xaalad caadi ah,waxaana la iskugu soo noqday doodii iyadoo halkii laga sii ambo qaaday,balse sida aanu xogta ku helnay waxa la isla afgartay gunaanadkii kulankaasi in hoos loo dhigo arinta islamarkaana doorashada kadib lagu riixo dooda ku saabsan cidda loo cumaamadayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi dabadii,iyadoo si weyn looga dooda in haddii arintani la sii wado ay carqalad ku noqon karto arimaha Doorashada gaar ahaan arinta Xisbiga Kulmiye oo isku diyaarinaya doorashadii Madaxtooyadda oo wakhtiga loo qoondeeyay qabsoomideedu fooda inagu soo hayso,islamarkaana ay maalmo koobani inaga xigaan wakhtiga uu bilamayo ololihii Xisbiyada ee loogu diyaar garoobayay Doorashada.
Dhinaca kale waxa kulankaasi la iskula afgartay oo laga xulay Gudi culus oo maanta kulan siyaasadeed kula qaadanaysa Magaalada Burco Gudi heer dhaqan ah iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal oo uu ka mid yahay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Burco kadib markii ay ka soo guryo noqdeen shirkii Beesha Biciido uga qabsoomay Gobolka Sanaag oo ay ka qayb galeen,Waxaana Sida la sheegay ay Gudidaasi Habar Jeclo ku wargalinaysaan maanta Gudida Beelaha Habar Awal ee Burco ku sugan in Wareejinta iyo qadiyada booska Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi dabadeed dib loogu riixo Doorashada kadib islamarkaana ay Beesha Habar Awal doorashada kadib isku diyaariso inay booskaasi wareejiso.

Comments

comments