Somaliland: Kala Jiidashada 3-da Xisbi Qaran Ee Shacabka Oo Si Weyn Looga Dareemayo Hargeysa, Iyo Hirdankii Ugu Adkaa Oo Ka Tagaan Degmooyinka A/Dhagax Iyo Maxamuud Mooge

Iyada oo Maalinbaa maalinta ka dambeysa lagu sii durkayo Maalinta Doorashada Madaxtinimada dalka ee 13-ka November ee sanadkan 2017 ka dhici doonta dalka taas oo ay ku tartamayaan Musharaxiin kala matalaya Saddexda Xisbi Qaran Ee Waddani, Kulmiye Iyo Ucid, Xisbiyadda Waddani Iyo Kulmiye waa Xisbiyada Ugu cadcad ee ku tartaamaya doorashada madaxtinimada waxaanay si weyn ugu loolamayaan guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo dhan, waalow xisiga Ucid ku jiro Loollan soo xoogeynsayaa, maalinba maalinta ka dambeysa.
Saddexda xisbi Qaran si midkasta talada dalka gacanta ugu dhigo shanta sano ee soo socota wuxuu geed dheer iyo Mid gabaan uu fuulay sidii shacabka iyo umada reer Somaliland uga dhadhicin lahaa barnaamijkiisa uu dalka ku hogaamin doono, waxaanay guud ahaan shacabka Somaliland ku kalaa aragti duwanyihiin Tageeradooda Saddexda Xisbi Qaran ee ku jira tartanka dorashada Madaxtiniimada, Kalaa Jidaashada shacabka Somaliland ayaa dhaaqdhaqeeqda laaga dareemaya guud ahaan magaalooyinka dalka waxaana jira munaasibado loogu soo jiidaanayo shacabka Somaliland isagaa xisbibaa xisbiga kale uu weydaraanyo kolba deegaanka loogu tuhumaayo cuduud taageero.oo ku hogaamin kartaa guul.

Degmooyinka 31ka May, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe waxaa ay kamid yihiin deeganaada xilligan sida weyn loogu Loollamaayo waxaana jira isdaba wareeg dhinaca xisbiyada waaloow xisbiyada qaar faromadhan ka tagaan yihiin degmooyinkaas, kulamo laysku jilbo dhigtey ayaa xisbi kasta la yeeshay Haldoorka, Aqoonyahanada iyo Dhalinyarada Degmooyinka 31ka may, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax waxaanay kulamadaas salka ku hayeen Tageero xisbigoodu ka helo degmooyinkan.
Xisbiga Kulmiye ayaa dhawaan kulan qado sharaf ku maamuusay Haldoorka, odayaasha kasoo jeeda Koonfurta Magaalada Hargeysa waxaanay sheegeen Taageero balaadhan oo ay uu hayaan xisbiga iyo Musharaxa Muuse biixi Cabdi, waxaa arrintaas Ka dambeeyay Xaflado kala dambeeyay oo xisbiga Waddani uu sameeyay Beelaha Koonfurta Hargeysa kuwaas oo taageeray xisbiga Waddani, isla xisbiga Ucid ayaa isna Hotel Adams ee magaalada Hargeysa Xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyay dhalinyaro iyo salaadiin kasoo jeeda isla koonfurta Hargeysa, waxaanay taasi ka turjumeysa loollanka adag ee xisbiyada ku jiraan xilli Aan weli la gaadhiin Ololaha dorashada Madaxtooyada, balse loogu jiro kalaa jidaashada xisbiyada ee dhinaca taageerayaasha.
Dhanka kale waxaa jira shir doceedyo masuuliyiinta xisbiyad la yeelanayaan aqoonyahanada, cuqaasha iyo haldoorka kasoo jeeda Degmooyinka 31ka may, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe waxaan kulamadaas daarnayeen taageero xisbi kastaa ka dalbanaayo shacabka degmooyinkaas.
Si kastaaba ha ahaate bishan Gudaheeda ayaa la filaaya in si rasmiya loo bilaabo ololaha dorashada Madaxtooyada ee 13ka November ka qabsoomi doonta guud ahaan dalka waxaanay noqonaaysa ololihii ugu adkaa ama dorashada ugu adkeyd ee Somaliland wajahdo Tan iyo markii madaxbanaanideeda kalaa soo noqotay dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya sanadkii 1991kii.
Doorashada madaxtinimo ee dalka ayaa la filayaa in ay qabsoonto 13-ka Bisha soo socota ee November waxaana meel xaraarad leh maraya kaambaynka xisbiyada.

Comments

comments