Ergadii ugu tirada badnayd ee ka soo jeeda beelaha Subeer Awal oo iskugu jirta Salaadiin,Siyaasiyiin,Ganacsato iyo waxgarad kale ayaa Xala illaa shalay ku sii qul qulayay Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco halkaasi oo uu maanta ka dhacayo kulan muddo la saalaadinayay oo dhex ay gondaha isgalin doonaan Beelaha Subeer Awal iyo Beesha Bariga Burco degta.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore ka helay Magaalada Burco ayaa tibaaxay in qaybo ka mid ah Ergadani oo kor u dhaafaysa illaa 140-ergay ay Shalay gaadheen Magaalada Burco iyagoo ay dhexda ku sii jiraan xalay ergo kale oo tiro badan oo ka soo jeeda beelaha Subeer Awal,kuwaasi oo ka qayb galaya Kulan Shireedkii ugu cuslaa ee inta badan la saadaalinayay ee ay gundaha isgaliyaan Beelaha bah wadaagta ku ah Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ee Subeer Awal iyo Habar jeclo, waxaana sida la sheegay kulankaasi uu maanta ka dhacayaa Huteelka City Plaza ee Magaalada Burco oo ay hore u sii deganaayeen ergooyin kale oo Madax dhaqameed ka kooban oo ka soo kala jeeda Beelahaasi oo maalintii shalay ahayd kulan qado ahi ugu qabsoomay Huteelkaasi.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in Kulankani oo muddo la saalaadinayay islamarkaana ku soo beegmay wakhti adag oo doorasho loo diyaar garoobayo uu salka ku hayo Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye iyo Waxa laga yeelayo,waxaana sida la sheegay ay markii u horaysay Beelaha Subeer Awal iyo Habarjeclo kulankan kaga hadli doonaan wareejinta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyadoo ay qabsoomida Kulanka ay hore uga sii kulmeen oo ay uga sii tashadeen beelaha Habar Jeclo,islamarkaana la saadaalinayo inuu kulankaasi ka soo bixi doono arimo guud oo ay beelahani ku waajihi doonaan tartankan ama qabsoomida Doorashada Madaxtooyadda oo mudo afartan cisho ahi inaga xigaan. Sikastaba hanoqotee,waxa lasaadaalinayaa in kulankaasi culus ay ka soo bixi doonto arin meesha ka saari doonta Doodaha iyo hadal haynta inta badan saaxada Siyaasada ku soo noq noqota ee ku saabsan Dumaasha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye in la iskuu haysto,Waxaanay wararka kulankaasi aanu xalay ka helnay ay sheegayaan in labada Beelood ay ka balami doonaan in arinta Wareejinta Gudoomiyaha Kulmiye dib loogu riixo Lix bilood kadib Doorashada islamarkanaana uu go’aankaasi dan u noqon doono Hanaanka Geedi socod ee Xisbiga Kulmiye iyo inuu ka bad baado carqaladii ku saabsanayd in doorashada ka hor Xisbiga gudihiisa ay arintaasi khilaaf ka abuurto.
Somaliland: Ergadii Ugu Badnayd Ee Beelaha Subeer Awal Oo Shalay Illaa Xalay Ku Sii Qulqulaysay Magaaladda Burco Iyo Kulan Siyaasadeed Muddo La Saadaalinayay Oo Maanta Burco Uga Qabsoomaya
Date: