Somaliland: Diyaarado Dagaal Oo Aan La Aqoonsanayn Oo Shalay Dul Gaafwareegay Hawada Sare Ee Somaliland, Ma Aha Markii Ugu Horaysay

Hawada Somaliland ayaa markii Ugu horeysay lagu arkay Afar kamida diyaaradaha Dagaalka oo dul maraaya Hawada Somalilanda, Cabaaro 3;50 oo ee shalay Jimcihii ayaa diyaaradaha Dagaalka ee Noocodu yahay Holicopterka lagu arkay Hawada Magaalada Hargeysa Waxaanay u Muuqdeen kuwo kasoo kicitimay Dalka Jabuuti iyagaa oo kusii jeeday Dhinaca Koonfureed ee Magaalada Hargeysa oo ku siman Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport. Waxaana shacabka Hargeysa daremeen Argagax la xidhiidha Diyaaradaha Dagaalka ee soo Galay Hawada Somaliland.
Ma Jirto Warar Rasmiya oo lagaa helay Ujeedada iyo Sababta keentay in Diyaarado Dagaal soo galaan Hawada Somaliland, Waxaase sidoo kale Aan la aqoonsanayn meesha ay sal dhigteen diyaaradaha dagaalka ee Soo Galay Hawada Somaliland, si sharci darro ah, Madaama Somaliland lahayn Diyaarado Dagaal oo si xor ah ugoosha Hawada Somaliland .
Xukuumadda Somaliland iyo Wasaarada Duulista Hawada Somaliland ayaan Wax Faahfaahina ka bixin diyaaradaha Dagaalka ee soo galay Hawada Somaliland, iyo Halka ay Salka Dhigteen, Mana jirto war rasmiya oo kasoo baxaaya Diyaaradaha Dagaalka ee shalay dul maray Hawada Somaliland.

Comments

comments