Somaliland: Salaadiin Waaweyn Oo Kala Taageersan Cabdiraxmaan Cirro Iyo Muuse Biixi Oo Tixo Gabay Siyaasadaysan Ah Isugu Faanay Iyo Boqor Buurmadaw Oo Ugu Caqli Celiyey In Ay Baryootamaan Ee Aan Maanta Looga Fadhiyin Inay Gabayo Isugu Jawaabaan!

Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Iyo Boqor Faysal Cusmaan Faarax oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beelaha Habar Yoonis ayaa madal dhaqan oo lagu Caleem Saarayay Suldaan Cusub Magaalada Burco ayaa waxa ay weedho Tix ah kaftan iyo duurxul siyaasadeed isugu gudbiyeen sida ay labadooda beelood siyaasadda dalka ugu hirdamayaan isaga oo mid kastaa dhaw tixood oo faan ah madashii shirka ka jeediyey taasina keentay in uu ka daba qaato Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo sheegay in aanay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee tartanka doorashada mudnayn in gabayo la isu tiriyo ee habboonayd in ay baryootamaan sida uu hadalka u dhigay Boqorku.
Kaftankan duur-xulka iyo sarbeebta madax dhaqameedku isku waydaarsadeen ayaa ahayd madal toddobaadkan lagu caleemo saarayay Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe oo xafladda caleemo-saarkiisu ka qabsoontay Magaalada Burco.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa tixo sarbeeb ah oo faan siyaasadeed ah waxa uu hawada u mariyey Suldaan aannu macag dhabin oo uu sheegay in uu ka tirsan yahay salaadiinta dhisaya Musharraxa Xisbiga WADDANI waxaanu Suldaan Xasan yidhi:
“Khudbadihii aad igu taqaaneen kuwo ka yar duwan baan maanta u galayaa. Markii aan arkay qaar marmarka qaar iyana tixraaca, meel aan ka qufulo oo aanay ka tixraacin ayaan doonayaa maanta. Nin Suldaan ah ayaa xalay ila soo hadlay, waa suldaan guud oo Suldaan binu Suldaan Binu Suldaan ah, markaasaa salaadiintii aabayaashayo iyo awawyaashayo saaxiibo ayay ahaayeen annana saaxiib baanu nahay balse waxa aanu ku yara kala baydhnay xagga siyaasadda isna Musharrax buu dhisayaa dee anna waa la I garanayaa halka aan dhisayo. Isma aan lahayn wuu ku soo tilifooninayaa markaasuu saddex jeer igu yidhi waar bal Suldaan Xasanow warran. Dee kuu warramay baan ku idhi markii saddex jeer igu yidhi warran ayaan is hayn yara kari waayay oo warkiibaan is idhi sii isaga oo murtiyeysan. Waxaan ku idhi:
“Cod Ballaadhan In Awal Rabo Cidi Makuu Sheegtay
Samaroon Cududiisiina Inay Heleen Cidi Makuu Sheegtay
Araboon Cidi Ka Maqnayn Cidhifyada Inay Hayaan Cidi Makuu Sheegtay
Ciidagale Inuu Cisseeyey Cidi Makuu Sheegtay
Caruur Iyo Cirrooleba Habarjeclo Abaalkii Inay Celinayaan Cidi Makuu Sheegtay
Caleemo Qoyan Inay Harti Ku Soo Dhaweeyeen Una Soo Cammirayaan Cidi Makuu Sheegtay
Ciisihii Inuu Caawinayo Cidi Makuu Sheegtay
Cod Iyo Cududba Inay Sannadkaa Maanta Ah Barakaysan Yihiin Cidi Makuu Sheegtay”
Intaa markii aan ku idhi waxa uu igu yidhi waar bal dhig waan ka soo jawaabayaaye”.
Intaa kadib waxa hadalka uga dambeeyey Boqor Faysal Cismaan Faarax oo ka mid ah Boqorrada sida weyn u taageersan Musharraxa Xisbiga WADDANI, kaasi oo Suldaan Xasan isna ugu jawaabay dhawr tixood oo jawaab u ahaa kuwii uu Suldaan Xasan madasha ka jeediyey waxaanu Boqor Faysal Yidhi:
“Saaxiibkay Suldaanka Guud Suldaan Xasan tixihii uu halkan ka tiriyay waan uga mahad celinayaa waanan soo dhawaynayaa waxaanse leeyahay:
“Saddex Xisbi Inay Codka Doonayaan Toloow Cidi Ma Idiin Sheegtay
Ceelka Iyo Ciiddu Inay Hiiliyaan Toloow Cidi Ma Idiin Sheegtay
Baadidaynu Kala Ceshanaa Cidlo Inaanay Dhacayn Toloow Cidi Ma Iidn Sheegtay
Cidna Inaanay Iga Kiin Xigin Toloow Cidi Ma Idiin Sheegtay
Codka Loo Tartamayo Ee Harti Cidna Inaanay Iga Dheeraynayn Toloow Cidi Ma Idiin Sheegtay
Codku Inuu WADDANI Yahay Doorkan Toloow Cidi Ma Idiin Sheegtay”
Markii intaasi labada madax dhaqameed kala raacday waxa hadalka qaatay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, waxaanu yidhi: “Gabayadii halkan laga tiriyey waan maqlayay labada beelood ee wax doonaya ee walaalahayo ah waxaan leeyahay maalintii gabayga maaha annaga ayaa ku soo jabnay gabay iyo buraanbur iyo heesba waannu baryootami jirnay saacadihii ugu dambeeyey, waxaan leeyahay beryadii ku noqda gabaygana joojiya ayaan idin leeyahay. Waa saacaddii Baryada iyo xundhur-maroorsiga aad iyo aaadbaanan idiin soo dhawaynayaa.”
Xaaladda Siyaasadeed ee dalku marayo ayaa keentay in xataa madax dhaqameedkii sidan uga hadlaan inta ay fagaare isla soo taagaan waana xaalad adag oo muujinaysa qaabka tartanka doorashadu u socdo wakhti ay maalmo koobani innaga xigaan maalinta loo asteeyey in doorashada loo dareero.

Comments

comments