Guddida anshaxa ee kominshanka doorashooyinka Somalland ayaa waxaa goor dhaweyd soo saareeen warqad luuqad adag ku qoran taas oo ku socota xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo gudoomiyaha Haaya’ada shaqaalaha .
Guddida anshaxa ayaa waxaa ay gudoomiyaha Haaya’ada shaqaalaha Somaliland ka codsadeen in uu talaabo ka qaado Cabdikariim Xinif agaasimaha maamulka iyo lacagta ee kominshanka Aids-ka oo lagu daray guddida soo xulaysa murqabinta , taas oo ay kominshanku sheegeen in ay jabinayso digreetadii madaxweyne Siilayo soo Saaray ee aheyd in aaney shaqalaaha dawladu ka qeyb qaadan olalaha xisbiyada