Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe oo Buuhoodle lagu caleema saarey

Xarunta gobolka Cayn ee Buuhoodle waxaa ka dhacay xafladda caleema saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Cabdulaahi Soofe Duraan , kadib geeridii  Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo sanadkii hore ku geeriyoodey Buuhoodle.

Caanashubka Garaadka cusub waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf aad u badan oo isugu jira Isimada oo ka kala yimid deegaano kala duwan, Culimada, Haweenka, Siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Waxaa si rasmi ah Garaad Cabdirisaaq ku caano shubey Garaad Jaamac Garaad Cali.

Xafladda Caana shubka Garaadka cusub waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey isimada iyo oday dhaqameedyada, waxaana ay Garaadka u rajeeyeen in rabbi u fududeeyo hawlaha loo igmadey.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qaybgaley xafladda Caanashubka

Comments

comments