Somaliland: Wasiir Cali Mareexaan Oo Ku Margaday Su’aal Laga Waydiiyay Dugsiga Riis Oo Qaybo Ka Mid Ah La Baloodheeyay, Sheegayna Inaanu Waxba Arintaasi Waxba Kala Socon Oo Baadhayo

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Guryaynta Iyo Gaadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa ku haftay su’aal laga waydiiyay Dugsi wax lagu barto oo caan ah oo Hargeysa kuyaala oo qaybo ka mid ah la sheegay in ganacsato ay Xukuumaddu ka iibisay,waxa uu wasiirka Mareexaan tahli waayay inuu su’aal waafi ah ka bixiyo Dugsigaasi oo uu Buuq ka taagan tahay maalmihii u dambeeyay.

Wasiirka Cali Mareexaan oo uu wax ka waydiiyay Dugsigaasi Riis Wariye Maxamed Kuraase oo ka hawlgala Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa tahli waayay inuu wariyaha si fiican uga qanciyo waxa uu ka kala socdo Iibka Dugsigaasi oo la aaminsan yahay inaanay wasaarada Hawlaha guud ka faro badhnayn,islamarkaana uu isaga laftiisu isdiidsiinayo, waxaanu si kooban u yidhi sidan “Anagu wax la iibiyay ma ogin, iskuulkaasi waxaanu ka war helay Shalay illaa saaka,markaa taliyaha bilayska iyo Maayarkaba waanu wada hadalnay, Waxaanu markaas isla garanayay in la joojiyo”.ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Maruu Wariye Kuraase Waydiiyay wasiirka xogo uu ka helay Dhacdadaasi oo ku saabsan in dad shacab ah oo ganacsato ah laga iibiyay dhulkaasi iyo sababta uu Wasiir Mareexaan u ogaan waayay maadaama oo uu yahay Masuulkii dawlada u qaabilsanaa dhulka danta guud,ayaa waxa uu wasiir Cali Mareexaan ugu jawaabayay wariyaha si cadho kujirto,waxaana uu yidhi sidan “Adigu ma baadhis ayaad samaysay,ma haayad amni ayaad tahay,anaga laftayadu waanu baadhaynaa”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...