Golaha wakiilada somaliland ayaa maanta la filayaa in ay cod u qaadaan heshiiska Ay Xukuumada Talada Haysaa kula gashay shirkada DP World.
heshiiskan oo nuqulo ka mid ah dhawaan la hor keenay golahaasi ayaa waxca ay su’aalo adag ka waydiiyeen xubno wasiiro ah oo siday.
wasiirada ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay su’aalihii laga waydiiyay heshiiskaasi, waxaanay sheegeen in uu yahay mid faa’iido u leh qaranka somaliland.
hadaba golaha wakiilada somaliland ayaa hada u fadhiya ansixinta heshiiskan, waxaana warar kala duwan oo warbaahintu ay heshay ay sheegayaan in xukuumaddu ay habeenkii xalay ahaa aduun lacageed oo badan ku qarqisay xubno ka mid ah golaha wakiilada oo aad uga soo horjeeday heshiiskaasi.