Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Soo Kormeeray Dugsiga Riis Ee Xukuumaddu Baloodhaysay, Canaanna U Jeediyay Maamulka Dawlada Hoose Iyo Xukuumadda, Kalmad Kaftan Ahna Ku Tuuray Maayar Ku Xigeenka Hargeysa

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo shalay kormeer ku soo maray Dugsiga Riis ee Magaalada Hargeysa oo dhul ka mid la sheegay inay Xukuumaddu ganacsato ka iibisay ayaa eedo calculus ku miisay Xukuumadda iyo Maamulka sare ee Dawlada Hoose waxaana uu sheegay inuu dalku halis kulaalayo,waxa uu maayarada Dawladda Hoose u soo jeediyay inay umadda u adeegaan oo ay Xisbiyadda Dhex u noqdaan,Waxa kale oo uu kalmado Kaftan ah ku tuuray Maayar ku xigeenka Dawlada Hoose ee Hargeysa Cabdicasiis Caga-Weyne oo ay Faysal Cali Waraabe isku jifo ka soo wada jeedaan.

Faysal Cali Waraabe oo shalay socod ku gaalaa bixiyay Xafiisyada Dawlada hoose ee Hargeysa kadib markii uu soo dhamaystay Kormeerkiisii Dugsiga Riis ayaa shir jaraa’id ku qabtay badhtamaha Xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Waxaan ka seexan kari waayay markii la igu yidhi Xabad ayaa ka dhacaysa Dugsigii Riis,Waana Dugsigii la iga qoray aniga Uladii,illaa Kalaaskii saddexaad ayaan Dugsigaasi dhigannayay, maanta ayaan soo maray,1958-kii ayaan Iskuulkaasi galay,Maalintaasi ayuu ka kuraasi fiicnaa,Maanta carruurteenii halka ay fadhido markaan arkay waan naxay,Meel cidhiidhi ah,kuraas loox ah oo burburtay,dhulkaaasi wuu banaanaan jiray,Garoonkii Kubadda iyo kii heegada ayaa jiri jiray,Maanta meel loo maro Dugsigii maleh,4-Mitir oo Gidaarka ah ayaa Shalay la isku haystay, Meel bannaanba haddii aynu diidno magaaladu magaalo noqon mayso, Basaskeenii meel ay istaagaan maleh,”Public Toilets” dadkan masaakiinta ah maalin oo dhan suuqa ka adeeganayaa meel ay ku kaadshaan maleh”.

Waxa kale oo uu yidhi“Umaddii cid u shaqaynaysaa majirto,Dawladdii hoose ma shaqaynayso,Tii dhexe ma shaqaynayso,waan baylahnay,Berbera haddii aad tagto dhulkii oo dhan waa la boobay,afar afar Km ayay qaateen,Yacni damiir kujira Madaxdeenii,baayacmushtarigeenii iyo salaadiinteenii majiro,qof waliba naftiisa ayuu u ordayaa,dadkeena ku arki maysi iyagoo leh xil ayaa na saaran,walo wayntu kalmadaasi ayay yidhaahdaann,xil ayaa nasaaran,qofku intuu xasuusan yahay inuu Xil saaran yahay wuu nool yahay,bal qof Reer Somaliland ah oo khudbadaynaya oo kalmadaasi ku soo daraya arka,waligeed arki maysid,kuma jiraba Soomaaligeena”.

Isagoo la hadlaya Maayarada Hargeysa,Gabiley iyo Berbera ayaa waxa uu yidhi“Maayarkii Hargeysa, kii-Gabiley,iyo Maayarkii Berbera intuba waxay ladaba socdaan oo ay la kaabayn karaynayaan Xisbiga Kulmiye,lacagta ay daba sidaana waa lacagtii anaga iyo WADDANI Dadka na taageera laga qaadayay,mar haddaan loogu adeegayn dadkii oo Muuse ladab sido,waliba hadaan wax socda la joojin,wax ka wayn,inbadan ayaan Somaliland badbaadiyee,wax weyn ayaan ka samayn doonaa,maanta waxa ka socda Somaliland,iyo Kaambaynka uu samaynayo Muuse iyo Dawladiisu wax loo dul qaadan karayo maaha,waa Somaliland dhimashadeedii,nin qudha maaha in Somaliland loo baabiiyo”.

Ugu dambayn waxa uu kalmado Kaftan ah ku tuuray Maayar ku xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Caga-Weyne oo ay isku jufo ka soo wada jeedaan,waxaana uu yidhi“Anigu mid ayaan keenay halkan oo ku xigeenka Maayarka ah,Markaan saaray Meesha geer five ayaa ugu jiray,hadda lix ayuu galiyay oo dib uma arag,Madaxtooyadda uunbuu sidaasi u taagan yahay,Hadda maayaradii oo dhan Muuse Biixi ayaa ka dhigtay Kaambaynar,Wuxuu uga dhigtay ma garanaysaan,Cashuurtii ayuu doonayaa in la daba qaado,aniguna Bari ayaan hadlaaay oo aan odhanayaa WADDANI iyo UCID Cidii taageeraysaay Cashuur ha bixinina,Saw waddanku istaagi maayo,Cashuurtii laga qaadayay Berbera iyo Hargeysa haddii Xisbi lagu dhiso saddex nin ayaa tartamaysa, maayarku wuu u dhexeeyaa,Maaha in lacagtii magaalooyinka lala daba yaaco,waa inaan meesha ka tuurnaa”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Comments

comments