kullan ay shalay iskugu yimaaddeen Wax-garadka,Madax-dhaqammeedka,Siyaasiyiinta iyo Labbeenta Beellaha Muuse Abokor (Habar-jeclo),ayaa shalay ka dhacay Dooxa Dagaar oo ka tirsan Degmadda Ceerigaabo.
Kullankan oo ahaa mid dabo-socday Shir-weynihii ay Beellaha Biciide halkaas ku yeesheen,ayaa waxa uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland kusoo bandhigay inuu doonayo in Beellaha Muuse Abokor ay ka tashadaan waxii ay ka yeelli lahaayeen gudoomiye-nimadda Xisbigga KULMIYE oo uu aad ugu ol-olaynayo inay Beeshu u xusho inuu Xilkaas qabto ka dib markay Dalka ka qabsoomto Doorashadda Madaxtooyadda ee qorshasan 13-ka bisha soo socota,intaas ka horna heshiis qoraal ah ay sii kala qortaan gudoomiyaha,ahna Musharaxa Xisbigga ee haatan Muuse Biixi Cabdi. Balse siday ilo-wareedyo goobjoog ahaa u sheegeen Wariye Maxamed Xasan Daacad oo ka tirsan Shabakadda Wararka ee Oodweynenews.com,dalabkaas Wasiir Xaashi waxa si adag uga hor-yimid Siyaasiyiintii kale ee Beesha Muuse Abokor ee madasha ku sugnaa,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen;Af-hayeenka Xisbigga taladda haya ee KULMIYE,MD.Xasan Gaafaadhi,Badhasaabka Gobolka Hawd,Md.Ibraahim Xaaji Cali Xasan,Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Duulista,Axmed Nuur Faahiye iyo Siyaasiyiiin kale.
Siyaasiyiinta Dalabka Wasiir Xaashi ka hor-yimid,ayaa ku taliyay inay arrintani u baahan tahay gorfeyn badan,isla-markaasna aanay haboonayn in kullankan go’aan lagaga gaadho. Waxay intaas ku dareen in arrintan ku saabsan waxa laga yeelayo mustaqbalka gudoomiye-nimo ee Xisbigga KULMIYE loo saaro guddi Beesha ah oo kasoo talo-bixisa,talo danbe iyo go’aankeeda laysu soo laabto,taas oo ay soo dhaweeyeen wax-garadka,Sallaadiintii iyo dadkii Labbeenta ahaa ee madasha joogay.
Dhinaca kalena,waxa la sheegayaa inuu arrintaas si weyn uga biyo-diiday Wasiirka Madaxtooyadda Somalilad,kaas oo markii danbe Odayaal sooc ah dhinac ula baxay,si uu uga dhaadhiciyo dalabkiisa ku waajahan gudoomiye-nimadda Xisbigga Kulmiye ee Musharax Muuse Biixi Cabdi ka dib.
Wasiir Xaashi,ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu isku-dhufto Beesha Muuse Abokor iyo Xisbigga KULMIYE,haddii aan banaanka loo dhigin Kursiggiisa,waxaanay dad badani qabaan inay dhici karto inuu mustaqbalkiisa Siyaasaddeed ula guuro dhinaca Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID.