Madaxweynaha Oo Safar Shaqo Ku Maraya Gobollada Galbeedka Somaliland.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa saaka ka soo kicitimay xarunta gobolka Salel ee Saylac oo ay xalay u hoyden.

Sida uu ku soo waramayo wariye Ridwaan Caydiid Ismaaciil oo noola socda weftigaas, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn loogu soo dhaweyey deegaannada kala ah Geerisa, Ceel-gaal, Fardo lagu-xidh iyo Garbo Dadar.

Maamilada degmooyinka, madax-dhaqameed, ganacsato, Haween, Dhallinyaro iyo bulshada qaybaheda kala duwan ee ku dhaqan deegaannadaas oo lulaya calanka Somaliland iyo caleemo qoyan kuna dhawaaqaya erayo soo dhaweyn ah ayaa si ballaadhan u soo gaadhay weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee maalmihii u dambeeyey safarka shaqo ugu maqnaa dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo dadweynahaas soo dhaweeyey kala hadlay fagaarayaal ayaa uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen dhigiisa Jabuuti, isaga oo tilmaamay muhiimada ay leedahay in labada dal xoojiyaan iskaashigooda dhinacyada badan leh sida dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isu socodka labada dal.

Waxa kale, oo uu madaxweynuhu warbxino la xidhiidhaxaaladda guud ee deegaannadaasi iyo baahiyaha ka jira ka dhageystay maamulka iyo mas’uuliyiinta deegaannadaas ay maanta safarka ku marayeen isaga iyo weftigiisu, wuxuuna bulshada soo dhaweysay ee uu kala hadlay fagaarayaasha kala duwan kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabadgalyadooda isla markaana meel uga soo wada jeestaan horumarinta qaranka, isaga oo intaas ku daray in baahiyaha ka jira deegaanadaas ay wax ka qaban doonto xukuumaddu intii awoodeeda ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...