Somaliland: Fadeexad Musuq Oo Dul Hoganaysa Wasiirka Boostaha iyo Is-gaadhsiinta, Hantidhawka Oo Galay Wasaaraddiisa iyo Madaxwayne Kuxigeenka Oo Ku Guntaday

Gaadiidkii Wasaaradda Ayaa La Xareeyey Kadib Markii La Ogaaday Inaanay Ka Diiwaan-gashanay Wasaaradda Hawlaha Guud

Wasiirka wasaaradda boostaha iyo isgaadhiisnta Somaliland ayaa badhtanka ugu jira fadeexad musuq-maasuq kadib markii lagu qabtay baabuur ay leedahay wasaaraddu oo aan ka diiwaangashanayn wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu taageeray in lambarka laga bedelo dhammaan baabuurta wasaardda hawlaha guud ka diiwaangashan si ay u fududaato in la qaato, waxaana la sheegay inuu wasiirku sidoo kale diiwaangalin waayay gaadhi wasaaradda deeq loo siiyey.

Hantidhawraha guud ayaa sida la sheegay arrimahan ka war helay waxaana uu ku wargaliyey inay soo xareeyaan baabuurta dawladda hase yeeshee waxaa ku guntaday isla markaana in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo hor istaagay madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo ay wasiirka isku hayb yihiin, sidoo kale wasiirkii hore ee xidhiihdka golayaasha Cali Xaamud Jibriil ayaa la sheegay inuu ku dooday markii uu arrinkan maqlay inaan laga daba tegin hantida ay qaataan beesha dhexe balse reer Awdal il gaar ha lagu hayo.

Dedaaladaas ka yimi dhanka madaxwayne kuxigeenka iyo xubnaha kale ee reer Awdal ayaa hoos u dhigay baadhistii handtidhawrka hase yeeshee waxaa xusid mudan inaan illaa hadda wax shaqo ahi ka socon wasaaradda isla markaana boodhkii wasaaradda dhulka la soo dhigay.

Geesta kale cabasho dhanka shaqaalaha ayaa ka jirta wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta maadaama sida la sheegay aanay shaqaaluhu wax mushahar ah qaadan bilihii u dambeeyey, waxaanay taasi keentay inay abaabulaan mudaaharaadyo ka dhan ah wasiirka iyagoo kaashanaya shaqaalaha wasaarado kale oo dhibaatadan la qaba.

Comments

comments