Fadeexad: Madax-dhameedka Beesha Garxajis oo Waydiistay Beelaha Ciise iyo Samaroon inay Codkooda Siiyaan Waddani

Date:

Wafti Culus oo ka socday Hoogaanka Dhaqanka ee Beesha Garxajis ayaa loogu soo dhaweeyey Deegaanka Xariirad ee Gobolka Selel.

Waftigan oo ka koobnaa Salaadiin,Ugaasyo iyo Cuqaal ayaa ujeedada Socdaalkoodu daaranayd sidii ay Bulshada Deegaanka Xariirad ugala xaajoon lahaayeen sidii ay Codkooda u siin lahaayeen Doorkan Xisbiga Waddani ee Beesha Garxajis iska leedahay.

Madax-dhaqameedka iyo Bulshada Deegaanka Xariirad ayaa dhankooda sidii dhaqan ahaa u soo dhaweeyey, inkastoo ay ka cudur-daarteen u ololaynta Xisbiga Waddani ee Beesha Garxajis.

Waa Taariikhda Markii u Horeysay ee Somaliland lagu arko Beel Salaadiinteedii, Cuqaasheedii, ugaasyadeedii, Waxgaradkeedii, Aqoonyahankeedii iyo Ganacsatadeedii ay Beelaha kale ee Somaliland iyagoon u kala hadhin waydiista in ay Beeshooda Codsiiyaan.

Sooryo iyo Soo dhaweyn kadib Waxa ay labada beelood Geedka Gerdaha jilbaha isku dareen Shir wakhti dheer qaatay Halkaas oo Madax-dhaqmeedkii Beesha Ciise ay u muujisay una Cadaysay Madax-dhaqmeedka Garxajis in ay isugu mid yihiin Saddex-da Musharax, isla markaan laga gudbay Wakhtigii qabyaaladda iyo Qolo urursiga iska markaana u codeyn doonaan Musharaxa Deeganadda Selel iyo Awdal Dan u ah.

Madax-dhaqameedka Garxajis ayaa Bishii hore Sidan oo kale waji-gabax kala kulamay Beesha Samaroon oo ay Magaaladda Boorama ugu tageen.

Akhirste Fikirkaaga Ka dhiibo Su’aashan:

Ma kula tahay Wakhtigan la joogo in ay Haboontahay in Axsaabtu Qabyaaladda Cod ku doonaan?

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...