Wargane Tv: Basas Ku Shufbeelay Gudaha Magaalada Hargeysa Iyo Cabsi Soo food-saartay Gaadiidleyda+Baaqa Ay Xukuumada U Direen

Qaar ka mida basaska u baxaa xaafada Jig-jiga-yar ayaa ku shuf belay istaankooda suuqa. Basaskani gubtay ayaan ilaa hada la ogeyn waxaa dhaliyay dabkan ka kacaya baska oo taagan, inta la og yahay laba bas ayaa ku gubtay iska basaska Jig-jiga yar ee suuqa hoose, amase ka soo horjeedka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Qaarka mida dirawaliinta oo warbaahinta la hadlay ayaa xukuumada Somaliland iyo ugu baaqay inay wax ka qabato arrintan ugubka ah ee basaskan ugubanaya bilaa sababta.

Gudoomiye ku-xigeenka basaska xaafada Jig-jiga yar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid cabsiweyn ku abuurtay gaadiidleyda caasimada gaar ahaan, dirawaliinta basaska.

Comments

comments