Xaflad lagu soo dhawaynayey xubno ku soo biiray Xisbiga Waddani oo sheegtay Haldoorka Hargeysa laguna qabtay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa natiijadii ka soo baxday noqotay mid aan ka farxin xubnihii loo qabtay iyo Xisbigii ay ku biirayeen xubnaha oo intooda badan hore loo soo tijaabiyay isla markaana ay bulshadu taqaano.

waxqabadkooda lana ogaa halka ay kaga hadheen tareenka Siyaasadeed ee Somaliland ayaa laba kaclayntoodan ku doonayey in ay is muujiyaan Hadaba markii Xafladaas laga soo dareeray ayaa Wargeyska Sahan Hawlwadeenadiisa Qaar ka mid ahi waxay mikirifoonka La dhex mareen Dhalinyaradii Gebegebada lagu Keenay “Gebo geba Rag Lagu Keenay Baa layga Gadayaaye”

ugu Horayn dhalinyaradaa oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa ka waramay Dareenkooda ugu Horayn Cabdillaahi Qawdhan ayaa ka hadlay wixii uu meesha u yimi iyo waxa uu ka arkay “waxaa nalagu yidhi Siyaasiyiin iyo Beeshii Sacad Muuse Way isa Soo dhiibtay oo Xisbigiinii Waddani ayay kusoo biirayaan soo Xoojiyo waa baskii Shantii Subaxnimo ee Saaka aannu Fuulnay Iminkana Waanagaa ka Soo baxnay Odayaal Daalay oo aan cidina la socon ayay hoolka Noogu keeneen dee waanu u soo tunay Naaw  xoojin baanu ahayn maxaanu odhan dee”

RodaCiise oo ka midAhaydHablihii sida Fiican isugu soo nashqadeeyay Calanka iyo Astaanta Xisbiga Waddani ayaa iyana Sidan Wixii Jiray u Sheegtay.

“Baskii New Hargeysa Layga Soo saaray ayaan halkan ku imi Markii Gacmii na daaleen Sidaanu u Sacabinaynay waa Taa bannaanka nala tubay Waxaanu noqonay Kaadh la xoqay markii laga shubtay la tuuray baski aannu la soconay wuu iska tegey dad kale oo Axmed Dhagax ka yimi ayaa la saaray ayay hadalkeeda ku so oaf meertay

Mushataaq Cabdi Xasan oo Rooda Dhinac taagnayd isla markaana dhoola Cadaynaysa ayaa ku Tilmaantay Xubnihii ay Sacabka u Tumaysay Qaar Xaabo ah oo aan wax badan ku soo kordhinayn Xisbiga Wadani Balse Cadho iyo Xintan u Yimi Xisbiga Waddani

Waar Meesha Rag Ma imane Xaabaa Timi ma Kuwan bay Haldoorki Reer Hargeysa ku Sheegayaan Cidba may wadan annagaa u Camirnay,waa Niman Cadho iyo Xintan mesha u yimi Xisbigana Waxba u soo kordhin maayaan waa kuwii Hudheeladda Café ku Cabi jiray,Walaahay waa nala soo khasbay maan jeclayn in kuwan oo kale aan u imaado xaflad ay leeyihiin.

Xubnaha ku soo biiray Xisbiga Waddani ayaa isugu jiray Xubno Xillal Wasiir Ka soo Qabtay Xukuumadihii Kala Dambeeyay Safiiro Maareeyayaal Ganacsato iyo Dhalinyaro laakiin Dhamaantood Waxa ka muuqday inaanay Mabda’a ku soo gelin Xisbiga Waddani balse cadho iyo Nin nacayb ay ku yimaadeen.