Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa masuuliyiin cusub oo xilal kasoo qabtay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo u magacaabay gobolka Togdheer .
Masuuliyiinta xilalka kasoo qabtay xukuumadda ee xisbiga WADDANI xilalka u magacaabay ayaa kala ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Dhoqoshay Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) oo loo magacaabay inuu ahaa gudoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga WADDANI iyo waliba maareeyihii hore ee wakaalada Biyaha Burco Ibraahin Yuusuf Diiriye (Jirde) oo isna loo magacaabay gudoomiyaha Ololaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer.
Masuuliyiintan ayaa dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI,waxaana ay xilal kasoo qabteen xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.