Deg Deg: Gudoomiye Cirro Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Saaka Safar Kaga Jarmaaday Magaalada Hargeysa+Halka Ay Usii Jeedaan Iyo Ujeedada Socdaalkooda

Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka safar kaga jarmaaday magaalada Hargeysa.

Waxaana ay waftigan kusii jeedaan magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal,waxaana waftiga murrashax Cirro hogaaminayo qayb wayn ka ah hogaanka iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI,waxaana waftigan soo dhawayn balaadhan oo dhoolatus ah loogu samayn doona magaalada Borama.

Ujeedada socdaalka waftigan ayaa salka ku haysa soo dhawaynta taageerayaal kusoo biiraya xisbiga iyo waliba dhoolo tuska awooda iyo cududa taageero ee xisbiga WADDANI ku leeyahay gobolka Awdal.

Waxaana waftigani ay lugtooda ugu horeysa ka bilaabayaan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley,waxaana la filayaa in waftigani ay gaadhaan ilaa gobolka Salel .

 

Comments

comments