Axmed Jaambiir Suldaan, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadlay sababta uu ugu biiray xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Axmed Jaambiir oo ka mid ahaa siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda beelaha Subeer Awal oo shalay casuumad u sameeyey dhigooda Bariga Burco ayaa sheegay inaanay Somaliland u baahnayn cid u abtirisa ee ay u baahantahay cid dhista isla markaana horumarisa, waxaana uu xusay inuu u arko inaan murashaxa beeshiisu ahayn qofka ku haboon hogaaminta dalka, waxaana uu intaasi raaciyey taariikh kooban oo ka marag kacaysa lex-jelada uu Somaliland ka leeyahay.
Siyaasi Axmed Suldaan Jaambiir oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“Waxan noqday Xoghayihii Maaliyada ee SNM ee ugu danbeeyay, waxaan aha Golihii dhexe ee SNM ee u codeeyay in Somaliland xorriyadeedii la soo noqoto, Waxaan saddex jeer noqday Wasiirka arrimaha gudahaSomaliland, waxan ahaa Guddoomiyihii Dastuurka Somaliland ee aynu ku dhaqano dajiyay, waxaas oo xil ah ayaan soo qabtay Maanta lexejeclo ayaa i wada iyo inaan Dalka Badbaadiyo. Waxaa la doonayaa af diblomaasi nin ku hadla la dooni maayo waan dilaa waan garaacaa, waxa la inaga doonaya waxbaan dhisi aqaanaa, inaynu wax dhisno ayaa la inaga doonayaa (kursiguna) dhaxaltooyo maaha waxba lama dhaxlayo qaranbaa la dhisayaa waar waxaanu idiinku nimi waddanka nala dhisa oo haka baxo reer Hebel, Somaliland-na uma baahna in loo abtiriyo waxay u baahantahay yaa dhisi kara”. Axmed Jaanbiir Suldaan.