Somaliland: Liiska Magacyadda Ardaydii Kaalmaha hore Galay Iyo Rabshadihii Cabashadda

Date:

Wasasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ardayda dhacday ee imtixaanka lagaga tirtiray, kadib markii lagu qabtay Telefoonka gacanta (Mobiles) ay ku qishayeen la siin doono fursad waxbarasho oo muddo afar bilood qaadanaysa, muddadaas kadibna mar kale laga qaadi doono imtixaanka shahaadiga ah.
Sidaana waxa ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere) oo saxaafadda la hadlay shalay, waxaannu yidhi; “..Ardayda dhacday waxa laga yeelayaa in muddo afar bilood ah ardaydaas wax loo dhigo, waxaanna loo bilaabi doonaa bisha October, waanan soo sheegaynaa dugsiyada waxbarashada ee ay iska diwaangelinayaana waannu u soo sheegi doonaa, waxayna waxbarashada ku jirayaan bilaha October, November, December iyo January, haddii Ilaahay yidhaah toddobaadka u horeeya bisha February 2018, imtixaankii ayaa loogu celinayaa oo laga qaadi doonaa, arrintaasna waxa iska kaashan doona Wasaaradda Waxbarashada iyo waalidiinta dhalay ardaydaas..”.
Waxaannu intaas raaciyey; “…Macallimiin ayaannu u soo xulaynaa ardaydaas wax u dhigta, lacagta macallimiintaas la siinayana waxa iska kaashan doona Wasaaradda Waxbarashada iyo waalidiinta oo mar haddii ujeedadii aannu lahayn aannu gaadhnay oo mobaylkii qishka ahaa la qabtay, waxa aannu haddana mar kale bixinaynaa fursad, waana in fursadaas laga faa’iidaysto.”.
Dhinaca kale, Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in arday ka cabanaysay imtixaanka shahaadiga ah ee ay ku dhaceen ay sameeyeen mudaharaad, kaasoo uu xusay in aannu sababin wax dhibaato ah.
“..Wax dhibaato ah oo weyni may dhicin, waxaanna la yeedhay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada 8aad (Dugsiyada dhexe) iyo 4aad (Dugsiyada sare), markaa arday dhacday ayaa halkaas woxogaa yar oo rabash ah ka samaysay, wax dhib ahna ma dhicin, ciidanka Booliskuna way yimaadeen oo si nabadgelyo ah ayey ku dhammaatay, woxogaa dhallinyaro ah oo kuwii dhagaxa tuurayey ahna ciidanka boolisku way qabteen, taasna waa la baadhayaa..”. Ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
Waxaannu intaas ku daray; “..Waxa aan halkan uga soo jeedinayaa, maadaama oo ay wasaaraddu jaanis (fursad kale) bixisay, sida uu sheegay Wasiirku (Wasiirka Waxbarashadu) oo qoladaas dhacday la yidhi jaanis kale ayaa la siinayaa inay ammaanka ilaaliyaan oo aan si khaldan looga faa’iidaysan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan, taas ayaan u soo jeedinayaa ardayda, maadaama oo ay Wasaaraddu ballanqaaday in wax la barayo, imtixaan dambena in laga qaado loogu ballanqaaday, markaa waa inay amniga ilaaliyaan oo ay ku dhaqmaan waxaas ay wasaaraddu u soo jeedisay, ammaankana ay ilaaliyaan..”.
Tobanka hablood ee ugu sareeya dugsiyada sare ee dawladda
1. Kaltuun Axmed Rooble Mire oo ka tirsan Dugsiga sare ee Qoryaale, Gobolka Togdheer, waxayna keentay 852 dhibcood
2. Umalkhayr Cabdikariin Aadan Cismaan, kana tirsan Dugsiga Sare ee Maxamed Shire Gaab, Gobolka Saaxil
3. Nasriin Axmed Maxamuud Cali, Dugsiga Sare ee Badhan
4. Sundus Cabdiraxmaan Aadan Cabdi, Dugsiga Sare ee Hadaaftimo, Badhan
5. Fihiima Xasan Siciid Cali, Dugsiga Sare ee Al-nuur, Badhan
6. Aasiya Jaamac Maxamed Siciid, Dugsiga Sare ee Hadaaftimo, Badhan
7. Maryan Jaamac Aadan Jaamac, Dugsiga Sare ee Badhan
8. Nuura Mahdi Maxamed Ibraahim, Dugsiga Sare ee Guutaale, gobolka Saraar
9. Asma Maxamed Maxamuud, Dugsiga sare ee Maxamed Shire Gaab, Gobolka Saaxil
10. Saamiya Saleebaan Maxamuud Jaamac, Gobolka Saraar
Tobanka arday ee wiilasha ugu sareeyey dugsiyada sare ee dawladda
1: Khaliif Xasan Maxamed Xirsi, Qoryaale.
2: Cabdikariin Xasan Maxamed Qoryaale.
3: Yaxye Muuse Saleebaan Aadan Qoryaale.
4: Cabdale Xasan Warsame Saraar.
5: Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan Gabiley.
6: Cabdiqani Maxamed Jaamac Qoryaale.
7: Axmed Maxamed Cabdi Cali Qoryaale.
8: Khadar Cabdi Xandule Aadan Bali-gubadle Faarax Nuur.
9: Farxaan Nuur Xasan Gaboose Guutale Qoryaale.
10; Xamse Maxamed Cismaan Xaaji Jaamac Saaxil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...