5 maxbuus oo laga saaray Xabsiga Guwantanamo

Dowlada Maraykanka ayaa sii deysay shan maxbuus oo muddo 10 sano ka badan ku xirnaa xabsiga Guwantanamo.

Maxaabiistaan ayaa ka kooban 3 nin oo u dhashay dalka Yemen iyo labo nin oo u dhashay wadanka Tunisia, waxaana raggan loo dhoofiyey dalka Kazakhastan. Dowlada Maraykanka ayaa muddo dheer gorgortan kula jirtay dowlada Kazakhastan in ay qaabisho ragaasi oo la sheegay in aan lagu celin karin wadamadii ay u dhasheen.

Horey ayaa maxaabiis laga siidaayey xabsiga Guwantanamo loo dhoofiyey dalal ay ku jiraan, Uruguay, Slofakiya iyo Goergia.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa horey u sheegay inuu doonayo inuu xiro xabsiga ku yaal jasiirada Kuba ee Guwantanamo, waxaana halkaasi weli hada ku xiran 127 maxbuus.

Khalid Yusuf
Source: Horseed Media

Comments

comments