Putland: Madaxweynaha Puntland oo booqday xarumo ku yaala gobolka Bari

Date:

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  kormeero u-kuur gal ah  ku tegey goobo ay ka-mid yihiin xarunta dowladda hoose ee degmada Bosaso, isbitalka guud ee magaalada Bosaso iyo xarunta guriga gobolka Bari.

Goobahaasi Dr. Gaas waxaa uu kulamo kula qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee xarumahaasi isagoona ka-xog waraystay xaaladda guud ee bulshada loo adeegayo iyo shaqada dhabta ah ee ka socoto dhammaan xarumahaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale socod dheer oo lug ah waxa uu kumaray qaybo kamid ah waddooyinka magaalada Bosaso isago salaamayey dad shacab ah oo goobohoodii ganacsiga jooga kuwaas oo madaxweynaha u muujinayey sida ay ugu faraxsanyihiin in ay arkaan madaxweynohoodii oo suuqa dhex lugaynaya.

Prof. Gaas ayaa faray maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo kan isbitalka guudba in ay dar-dargeliyaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyagoo bulshada u muujinaya debecsanaan iyo hawlkarnimo.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale waxaa uu booqday xarunta ciidanka Badda Puntland isagoo halkaasi salaam sharaf kaga qaatay boqollaal askari oo tababar uga socdo xaruntaasi.

Madaxweynaha Puntland oo goob fagaare ah kula hadlay ciidanka ciidanka tababarka ku-jira ayaa ku ammaanay isbeddelka ka muuqday muddadii yarayd ee uu tababarku u-socdey, isagoona kula dar-daarmay in ay dedaal dheeraad ah muujiyaan si’ay markuu tababarku u-soo xidhmo ay  uga soo baxaan  iyagoo wata aqoon  tayo le oo ay dalkooda ku difaaci karaan.

Waxa uu  Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kula dar-daarmay saraakiisha tababaraysa ciidanka Badda Puntland in ay xooga saaraan sidii ay ciidanka ugu beeri lahaayeen waddaniyadda iyagoo si dhab ah u tusaya ciidanka qiimaha ay leedahay waddaniyaddu.

“Ciidanka waxaa ugu muhiimsan waxa weeyaan in waddaniyad lagu beero,weliba  dalkooda difaaciisa iyo wanaagiisa lagu tababaro oo lagu hago weeye” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...