Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Soo Dhaweynti Gobalka Togdheer Maamuska Gobalka Togdheer + Muuqaal

Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee ku nool magaalada Burco, ayaa ka dib soo dhaweyntii ballaadhneyd ee ay shalay u sameeyeen weftigii uu hoggaaminaayey Murashax Cirro, waxa ay sida oo kale na ay habeenkii xalay ahaa u sameeyeen kulan-weyne ballaadhan oo ay casho sharafeed ugu sameynaayeen weftigaasi.
Kulankan oo ka dhacay hotel Kaafi ee Burco, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka, Hoggaamiyaha Xisbiga iyo weli ba sida oo kale madaxda Xisbiga ee heer qaran iyo heer gobal.

Comments

comments