Somaliland: Badhasaabka Gobalka Hawd Oo Sheegay In Wakiilka Somaliland Ee Djibouti Uu La Baxsaday Baabuur Ay Wasaaradda Daakhiligu Isaga U Qorshaysay

Date:

Badhasaabka gobalka Hawd Ibraahim Xaaji Cali Xasan, ayaa wakiilka Somaliland ee dalka Djibouti Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, ku eedeeyay inuu dalka Djibouti ula baxsaday baabuur ay wasaaradda daakhiligu amartay inuu ku wareejiyo badhasaabka.

Guddoomiye Ibraahim, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in baabuurka oo ay isaga siisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, uu wakiilka Djibouti ka gaws adaygay inuu ku wareejiyo markii xilka laga qaaday islamarkaana uu ula fakaday sidii uu u haystay, Djiboutina kaga xidhay taariko.  Wuxuu badhasaabku yidhi “Gaadhigaasi weli aniga igumuu soo wareegin ee waa kii uu safiirku wadan jiray markuu wasaarada arimaha gudaha joogay, qolada wasaarada ayaa aniga igu tidhi gaadhigaas la wareeg; gaadhigii ninkaasi  wuu la baxsaday oo warkaasi waa mid xaqiiqo ah. Laakiin gaadhiga aniga igalama uu baxsan ee sidii uu u haystay ayaanu u soo wareejinba, lanbar kale iyo waxbuu kaga xidhay Jabuuti markaas ninkaasi si sharci darro ah ayuu gaadhigaas ula baxsaday.” sidaas ayuu yidhi badhasaabka gobalka Hawd.

Wakiilka Somaliland ee Djibouti Mr. Cabdifataax oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...