Deg Deg: Cali Guray Oo Hada Ka Hadlay Olalaha Xisbiyada Iyo Doorashooyinka Somaliland Balse Muxu Ka Yidhi Xisbiga Waddani

Date:

Mujaahid Cali Guray Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Somaliland Iyo Olalaha Axsaabta Qaranka Somaliland

OLOLUHU MARNA XAARAAN MAAHA
SANAD DOORASHANA HABA SHEEGIN
Erayga “OLOLE” wuxu u baahan yahay tafsiir sharci waayo dad ayaa u fahmay in aanay xisbiyadu safaro geli karin taageero raadis iyo wacyi gelin ah oo aanay ku mari karin gobolada iyo degmooyinka dalka. Sida caadiga ah sanadka ugu dambeeya muddo xileedka Madaxwaynaha waxa loo yaqaan sanadka kaambaynka (Campaign Year) mucaarid iyo muxaafidba waxay ahmiyadda siiyaan sidii ay u kasbi lahaayeen taageerada ugu badan ee codbixiyayaasha. Banaanbaxyada maalmaha ugu dambeeyaa ee Kaambaynka rasmiga ah waa dhoolo-tusyo uu xisbi waliba isku muujinayo oo ku muujinayo taageerada uu ka haysto dadwaynaha inta badanna marka laga tago dadka xisbiyada kala raacsan cidda la doonayo in lagu kasbo taageeradoodu waa dadka aan go’aanka weli qaadanin(undecided votes). Xiliyadii diiwaangelinta wacyigelintu xuduudda keliya ee sheegani waxay ahayd in aan astaamo xisbi la qaadanin waana run oo waa la qaatay taasina waa la odhan karaa xadgudub. Wixii kale oo dhami waa masmuux caadina way ahayd. Waynu ognahay iyada oon xili doorashoba ahayn in xisbigii doonaa gobolada iyo degmooyinka uu booqasho ku tegi jiray iyaga oo wata astaamihii xisbigooda.

Sida aan filayo kaambaynka rasmiga ah wuxu bilaabmayaa marka uu si rasmi ah Komishanka Doorashooyinku u iclaamiyo oo laga yaabo inay noqoto muddo 21 cidho ah oo xisbi waliba xaq u yeelanayo 7 maalmood uu dibadbaxyo samayn karo warbaahinta dawladdana wakhtiyo is le’eg laga siin doono.
Hadaba mucaaridka cabashadiisu marka keliya ey wax ka soo qaad yeelan kartaa hadii ay jiro waa marka ay si buuxda u cadayn karaan in gaadiidka dawladda uu Kulmiye xisbi ahaan u adeegsado oo uu hawlihiisa xisbi u isticmaalo xukuumadduse waa wax kale oo lama odhan karo wasiir hebel oo hawlo uu u xil saaran yahay u tegay meel heblaayo waa Kulmiye ee muxuu u isticmaalayaa gaadiidka dawladda, ka soo qaadba wacyigelintii diiwaangelinta iyo hawlo kormeer oo isku soo beegmay ama isku xiliba noqday. Xiliyada doorashada waa caadi in mucaaridku ku eedeeyo xisbul xaakimka inu isticmaalayo hantidii dadwaynaha iyaga oon haynin wax la taaban karo oo cadaymo ah hadii ay jirto iyo hadii aanay jirin mar kasta way odhanayaan oo marna wax tuhun saari kara oo qancin karaa ma jirto waayo eedaynta lafteeda ay ka badh ah ololahooda ka mucaarid ahaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...