Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay 9 Guddi oo kala duwan, si loo dardar-geliyo hawlaha Xisbiga, maaddaama oo dalku galayo wakhti doorasho iyo olole.
Guddiyada uu magacaabay Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa kala ah; Guddiga Difaaca iyo Arrimaha gudaha, Guddiga Siyaasadda arrimaha dibedda, Guddiga Cadaaladda, Guddiga Warbaahinta, Guddiga Hawlaha Guud, Guddiga Dhaqaalaha, Guddiga Khayraadka Dabeeciga ah, Guddiga Abaabulka iyo Xidhiidhka gobollada iyo Guddiga arrimaha Bulshada.
Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Waddani Caawa isla-markaana ku taariikhaysnaa 25-kii bishan, wakhtigaas oo ah xilliga uu Guddiyadan Magacaabay Guddoomiye Cirro oo wakhtigan ku maqan Xajka.
War-Saxaafadeedkaas oo soo Gaadhay Himilo, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan :-
Markaan darsay; Qodobka 30aad Farqaddiisa 7aad iyo xeerka xisbiga WADDANI, Markaan arkay Baahida loo qabo in la sameeyo guddi hawleedyo. Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka xisbiga Waddani. Markaan ku qancay: Muhiimadda ay leedahay in la dardar galiyo hawlaha xisbiga.
Maaddaama dalku galay wakhti doorasho iyo olole (campaign), loona baahan yahay dedaal iyo dardar-galin waxaan Maanta oo taariikhdu tahay 25th August 2017 magacaabay guddi hawleedyo u xil-saaran qorshaynta, qaabaynta iyo dhaqaajinta hawlaha horyaalla xisbiga Waddani, si loo xaiijiyo himilada xisbiga ee ah Isbeddel Caddaalad iyo Horumar ku dhisan.
- Guddiga Warbaahinta iyo Wacyigelinta
- Md Cali Sheekh Ibraahim Aareeye
- Marwo Milgo Maxamed Cilmi
- Ibraahim Mahdi Buubaa
- Muniir Axmed Cigaal
- Md Cabdisalaan Maxamuud Ducaale
- Marwo Saado Jaamac Aadan (Saado-dheer)
- Md Jamaal Xuseen Hurre
8 Md Cali Axmed Kooshin
- Maxamed Sidiiq Cabdilaahi
- Md Aadan Maxamed Ibraahin
- Md Cabdi Aw Siciid Cawaale
- Marwo Faadumo Aadan Cawad
- Maxamed Jaamac Abgaal
- Mawliid Maxamed Muumin.
- Guddiga Dhaqaalaha
- Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed
- Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
- Md Jamaal Jaamac Xaamud
- Kayse Cali Geeddi
- Md Xasan Xuseen Codyare
- Md Cali Cabdi Saa’iq
- Marwo Faadumo Suudi Xasan
- Dr Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)
- Md Axmed Xuseen Fagfagaash
- Marwo Qadan Maxamed Cismaan (Qadan-hoodo)
- Md Bashiir Cabdi Xariir
- Md Siciid Sulub Maxamed
- Md Cabdifataax Xuseen (Gamaameeye)
- Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen
- Marwo Filsan Cabdiraxmaan
- Md Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.
- Guddiga Arrimaha Bulshada
- Qaasim Sh. Ibraahin Tubeec
- Md Muuse Cabdillaahi Nuur
- Md Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye
- Md Yuusuf Khaliif Axmed
- Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
- Md Aadan Cabdilaahi Dhagayare
- Md Faarax Cilmi Geedoole
- Dr Idiris Aadan Cali
- Md Cali Cabdilaahi Dagaal
- Md Maxamed Cali Qase
- Md Maxamed Muuse Cabdi (Galaydh)
- Md Yoonis Axmed Yoonis
- Marwo Maryan Maxamuud Dirir
- Md Maxamed Muuse Tiyo
- Md Jaamac Maxamed Hilaac.
- Guddiga Arimaha Gudaha iyo Difaaca
- Md Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro)
- Md Axmed Jaambiir Suldaan
- Md Ismaaciil Aadan Cismaan
- Md Maxamed Nuur Caraale Duur
- Md Xasan Maxamuud Maxamed (Dhiilood)
- Md Ibraahin Ducaale Boos
- Md Cabdirashiid Macalin Muuse
- Xil Cali Xaaji Maxamed Muuse
- Md Aftax Siciid Jaambiir
- Marwo Foosiya Kayse Faarax
- Md Cabdiraxmaan Axmed Ilkacase
- Md Axmed Maxamed Cali (Axmed Naasir).
- Guddiga Siyaasadda iyo Arimaha Dibada
- Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde
- Md Maxamed Biixi Yoonis
- Md Ismaaciil Hurre Buubaa
- Dr Maxamed Cismaan Fadal
- Cali Aadan Cawaale
- Md Maxamed-wali Cali Xasan
- Md Maxamed Haaruun Biixi
- Md Axmed Cabdillaahi Cawaale
- Md Mawliid-Waris Cabdillaahi
- Md Maxamed Cali Aw Cabdi
- Marwo Suhuur Xasan Abiib
- Marwo Safiya Cumar Faarax
- Marwo Faadumo Siciid Ibraahin
- Md Cabdiraxmaan Maxamed Magan.
- Guddiga Caddaaladda
- Md Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde
- Md Xuseen Axmed Caydiid
- Md Barkhad Jaamac Xirsi
- Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle
- Md Axmed Cabdillaahi Al-imaam
- Md Cabdi Guuleed Gaboobe
- Md Maxamed Xirsi Ismaaciil
- Dr Maxamed Siciid Gacamay
- Md Maxamed Saalax Cige
- Marwo Ifraax Xiis Kaahin
- Md Baashe Yuusuf Axmed
- Md Maxamed Cali Suudi
13 Marwo. Kinsi Xuseen Qawdhan
- Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje)
- Guddiga Abaabulka Iyo Xidhiidhka Gobollada
- Md Abiib Diiriye Nuur (Timacad)
- Xildhibaan Baar Siciid Faarax
- Md Axmed Cabdillaahi Xamarje
- Md Muuse Yuusuf Raabbi
- Md Cabdillaahi Axmed Daamur
- Md Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare)
- Md Xamse Cabdiraxmaan Khayre
- Md Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed (Taarwale)
- Md Siciid Xaashi Cali Wayd
- Md Naasir Beddel Ismaaciil
- Md Siciid Muuse Cabdi (Bustaale)
- Md Xuseen Aadan Cadde
- Md Idiris Cabdi Maxamed
- Cali Axmed Cabdi (Cartan)
- Md Cismaan Afgaab Nuur.
- Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah
- Md Maxamed Baaruud Cali
- Md Cismaan Aw Aadan Faarax
- Md Aadan Axmed Warsame
- Md Maxamed Xuseen Siciid
- Saleebaan Sh. Cabdillaahi Muuse
- Md Daa’uud Xuseen Jaamac (Food-cadde)
- Md Cabdirisaaq Daahir Jaamac
- Md Cabdilaahi Digaale Cali
- Md Cawil Cabdi Xasan
10 Marwo Amran Xaashi Cabdi
- Guddiga Hawlaha Guud
- Md Cabdi Haybe Maxamed
- Md Xasan Cismaan Aw Aadan (Sabce)
- Md Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini)
- Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed
- Mubaarig Cabdi Xasan
- Marwo Amaal Cabdiraxmaan Warfaa
- Md Maxamed Yuusuf Cabdi (Mataan)
- Marwo Ayaan Axmed Baashe
- Khadiija Xaaji Ismaaciil Bandare
- Caasha Maxamuud Dage
- Md Cabdiwali Maxamuud Faarax Budhyare).” Sidaa ayaa lagu yidhi Digreetada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro Gu Magacaabay Guddiyadan, taasi oo uu isagu ku saxeexan yahay.