Somaliland: Ururka Dhallinyaradda Samawade ee Deegaanka Yagoori oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE

Ururka ay ku midoobeen Dhalinyaradda Degmada Yagoori oo ka Tirsan Gobolka Sool ayaa ku biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyaga oo sheegay in Xisbiga KULMIYE wakhtigan yahay Xisbiga kaliya ee lagu aamini karo dalka.

Munaasibad si heer sare ah loosoo agaasimay oo loo sameeyay soo dhaweynta Ururka Samawade ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirul Dawlaha Beeraha Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Wasiirku xigeenka Cadaalada mudane Yuusuf Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqan iyo Dalxiiska Md. Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xayte).

Waxa kaloo xafladan goob-joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool Gobolka, Duqa degmada Laascaanood, kuwaasi oo dhalinyaradda Ururka SAMAWADE uga mahadnaqay Taageeradooda Xisbiga KULMIYE.

 

Comments

comments