Somaliland: Cali Khaliif Oo Shalay Cadho Kaga Baxay Kulan Ay Yeesheen Gudida Somaliland Wada Hadalka U Qaabilsan, Maxamed Kaahin Oo Isku Dayay Inuu Lad Qabeeyo Iyo Masuul Kooxdiisa Ka Tirsan Oo Tafaasiil Ka Bixiyay

Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ee Wadahadalka kula jirta Dawlada Somaliland Cali Khaliif Galaydh ayaa shalay Cadho kaga baxay Kulan ay kooxdiisa iyo Gudidaasi ku lahaayeen Huteel Safaari ee Magaaladda Hargeysa,kulankaasi oo uu markii hore fadhiyay balse uu si kedis ah uga baxay markii uu kulankaasi furmayay,arintaasi oo ay si weyn u wada dareemeen Dadkii Kulankaasi ku sugnaa,balse uu markii dambe Warbaahinta u fasiray Masuul ka tirsanaa Kooxda Khaatumo ee sii fadhiday Goobta.
Waxa shalay Galinkii hore Abaaro inyar ka hor Salaadii Duhur warbaahinta looga yeedhay Huteel-ka Safaari ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay kulan ku lahaayeen Gudi uu hogaaminayay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Gudida Dawlada Somaliland u qaabilsan Wadahadaladaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali shire,islamarkaana ay gudidaasi kula jiraan Masuuliyiin kale oo heer wasiiro ah oo Xukuumadda Somaliland ka tirsani.
Ka hor intaanu kulankaasi furmin,daqiiqado ka hor Waxa kulan si kedis ah u soo galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleen Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye),islamarkiiba waxa isna Fadhiga ka sare kacay oo xagga Albaabka u jihaystay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh,waxa isku dayay inuu hakiyo oo Cali Khaliif Hor istaagay Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka tirsan Gudida Somaliland,balse uma joojin ee waa uu jiidhay Cali Khaliif,waxaanu duuduub ku dhaafay Albaabka,isagoo si toos ah u aaday Halka uu gaadhigiisu ka yaalay Huteelka. Waxa si weyn idhaha ula raacay Dadkii Kulankaasi fadhiyay,iyadoo ay si gaar ah u taabatay bixitaanka Cali Khaliif,Gudida Somaliland u qaabilsan Wadahadalka Kooxda Khaatumo maadaama oo uu ka baxay kulanka Ninkii ugu waynaa kooxdaasi ee uu wadahadalku u socday, la’aantiina aanay waxba u qabsoomayn islamarkaana aanu heshiis dhacayn.
Inkasta oo ay warbaahinta iyo dadkii Kulankaasi joogay dareenka ay ka qaateen bixitaanka Cali Khaliif ay u aanaynayeen inuu waji diidayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo Toosiye) oo aanu xidhiidh wanaagsani ka dhaxayn Cali khaliif,haddana waxay markii dambe ay Warbaahintu wax ka waydiisay Keyse Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Masuuliyiinta sare ee ka tirsan Kooxda Khaatumo ee wada hadalka kula jirta Somaliland, waxaana uu difaacay Ka bixitaanka Cali Khaliif ee kulankii shalay,Waxa uu sheegay in Cali Khaliif Madaxweynahoodii yahay islamarkaana uu hor fadhiisan karo oo qudha Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo uu sheegay inuu dhigiisa yahay,arintaasi oo loo arko qiiq isku qarin iyo inay kooxdii Khaatumo ee Cali Khaliif Hogaaminayo ay raadinayso sifo ay kaga baxdo Wada hadalada oo mudooyinkii u dambeeyay Cago jiid kujira.
Keyse Cabdi Yuusuf oo warbaahintu wax ka waydiisay sababta uu Hogaamiyahooda Cali Khaliif uga baxay Kulanka ayaa waxa u si kooban ugu jawaabay sidan“Cali Khaliif Waa Madaxweyne, Dhigiisuna Waa Siilaanyo,Siilaanyana Meesha Ma Fadhiyo,Cali Meesha ma Fadhiyo,Waxa Fadhiya Gudidii Wadahaddalada Soo Waday Illaa Adisa-Ababa”.

Comments

comments