Zuma: K/Afrika ma necba Ajaanibta!

Date:

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in dalkiisa aan laga necbayn ajaanibta xili ay weeraradii ugu danbeeyey sumcad xumo usoo jiiday wadankaasi.

Zuma ayaa sheegay in inta badan shacabka Koonfur Afrika aysan wax cadaawad ah u hayn dadka ajaanibta ah, balse rabshadaha noocaan ah ay horey uga dhici jireen dalkiisa.

 “…Ma dhihi karno waa Ajaanib naceyb, taariikhda dalkan marar badan oo hore ayey dhaceen rabshado dad lagu dilay, balse aan shuqul ku lahayn ajaanibta, maaha saxaafada in qof walba oo ajnabi ah oo la dilo ay ka dhigto duulaan ajaanibta kaliya ku aadan….” ayuu yiri Jacob Zuma oo ku dooday in dalkiisa ay ka dhacaan falal badan oo danbiyo ah balse aan la oron karin waa ajaanib-naceyb.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa kusoo beemaya xili todobaadkan ay dowladiisa hawlgelisay ciidamada Militariga inay booliiska gacan ka siiyaan dajinta rabshadaha ka dhacay qeybo kamid ah wadankaasi.

Indhaha caalamka ayaa sanadkan si weyn ugu soo jeestay wadanka Koonfur Afrika oo ay ka dhaceen weeraro lagu qaaday dadka ajaanibta ah ee ganacsta, walow aysan ahayn markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ka dhacaan dalkaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...