Shirkad Halis Badan Oo Xaalufin Ka Wada Badda Saylac Iyo Shaqaale Dalka Siralanka Ka Soo Jeeda Oo Ay Dibada Ka Keensatay + Qaylo Dhaanta Shacabka Reer Lawyo-Caddo Ka Muujinayaan Shirkaddan

Warar dhiilo leh ayaa xalay naga soo gaadhay Deegaanka Saylac ee Caasimada Gobolka Saylal iyo Magaalada Lawyo Caddo ee qaniga ku ah Kaluunka ee Woqooyiga Somaliland,waxaanay dadka Shacabka ah ee Deegaanka qaylo dhaan xoogleh ka muujiyeen shirkad Kaluumaysi oo Magaceeda la yidhaah “Fiqi Fishing” oo Wasaaradda Kaluumaysigu ruqsad u siisay inay deegaankaasi kaluunka ka gurato,iyadoo xaalufin ba’an ku haysa Badda Saylac iyo Lawyo-Caddo islamarkaana aan u aabo yeelayn mustaqbalka Kaluunka Saylac,iyadoo kaluun nool u dhoof gaysa Dalka Tailand.
Sida warkani nagu soo gaadhay waxa shirkadan iska leh Nin ka soo jeeda Dalka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay,waxaana laga soo tarxiilay oo laga soo caydhiyay Xamar,Boosaaso iyo Waliba qaybo ka mid ah deegaamada Somaliland sida Deegaanka Laasqoray iyo Magaaladda Dekeda ah ee Berbera,kadid sida la sheegay markii ay shirkadaasi oo shaqaale ajaanib ah wadataa ku kacday falal aan laga jeclaysan deegaankaasi,balse waxa ay ugu dambayn sanadadii u dambeeyay heeryada dhigtay Saylac oo la sheegay inay faro baas ku hayso mustaqbalkii Deegaanka iyadoo sida la sheegay shirkadaasi keensatay shaqaale ka soo jeeda Dalka SIRALANKA,kuwaasi oo si arxan daro ah xaalufin ba’an oo xaaraan ah ugu hayay Badda Saylac.
Caaqil Xasan Muuse Jaamac (Indha Biraale),Caaqil Cabdi Muuse (Budin),iyo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Salal Farxaan Maxamed Yuusuf ayaa Qoraal qaylo dhaan ah oo ay soo gaadhsiiyeen Wargeyska Foore waxa ay ku yidhaahdeen sidan“shirkada Fiqi Fishing ee fadhigeedu yahay Lawyacado waxa ay dhibaato ku haysaa Deegaanka,Iyadoo xaalufinaysa Quruxdii Kaluunka ee Badda, waxa ay isagoo nool u daabushaa Dalka Tailand,waxa shirkaddaasi hore looga soo eryay Dalka Soomaaliya,Iyo Deegaamo ka tirsan Somaliland sida Laasqoray iyo Dekeda Berbera,waxaanay xaadhaysaa Quruxdii badda,waxaanu ugu baaqaynaa Dawladda Somaliland, gaar ahaan Masuuliyiinta Wasaaraddda Kaluumaysiga inay ruqsada kala noqoto shirkaddaasi oo ay baadhis ku samayso halista ay ku hayso Badda Somaliland ee Lawyocaddo iyo Saylac,Waxa ay shirkadaasi shaqaale ajaanib ah oo ka kooban 15- Shaqaale ka keensatay Dalka Siralanka,waxaanay si arxandaro ah ugu curyaaminaysaa Mustaqbalka Kaluunkii Badda Somaliland,Waa in loo kacaa oo shirkaddaasi la ogaadaa halista iyo dhibta ay ku hayso Badda Lawyo Caddo iyo Saylac”.ayay ku soo koobeen Qoraalkooda. Dhinaca kale Agaasimaha Waaxda Kaluumaysiga ee Wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland Axmed Aadan oo Wargeyska Foore wax ka waydiiyay Arintani ayaa sidan ku jawaabay“Isku duwayaal ayaa noo jooga Saylac,Lama ogola Wixii dhaawac u gaysanaya Badda iyo Kaluunka, Shirkadaasi Fiqi waxaanu siinay Ruqsad Kaluumaysi,wali shirkadaasi dhibta ay ku hayso Badda ma hayno, Waxa ka reeban baddaha Somaliland oo aan la ogalayn wixii dhaawac u gaysanaya Badda iyo Deegaanka,wax kasta oo Deegaanka wax yeelaya oo dhan waa ka Xaaraan,Shirkada aanu waxaasi ku aragno Ganaax Culus ayay leedahay,wixii wax xumaynaya iyo wixii dhaawac gaysanaya Iskuduwayaash ayaa noo qaabilsan oo noo siidiraya,iyaga ayaanu kala xisaabtamaynaa,waanu ogol nahay inay Shaqaale ajaanib ah keensadaan dalka Shirkadaha kaluumaysigu,arintaasi sharci baarlamaani ah ayaa u banaynaya,waana sidaasi”.
Ugu dambayn Faysal Xasan Cali oo lanoo sheegay inuu yahay Maamulaha Shirkada Fiqi Fishing ee fadhigeedu yahay Magaalada Lawyo-Caddo oo aan khadka telefanka kala xidhiidhnay isagoo ku sugan Hargeysa ayaa noo sheegay inaanu wax faah faahin ah ka bixin Karin arintaasi islamarkaana ay arintaasi ka hadalkeeda uga mudan tahay gabadh uu sheegay inuu warkaasi gaadhsiinayo oo ka Saraysa, balse markii dambe ee aanu la xidhiidhnay waa uu naga qaban waayay Telefankiisa gacanta.

Comments

comments