Somaliland: Tog-wajaale: Magaalo Ka Mid Ah Somaliland Oo Cashuurteeda Lagu Qaado Lacagta Itoobiya.

Magaalada Tog-wajaale, oo ku taal xuduudka u dhexaysa dalalka Somaliland iyo Itoobiya, ayaan iska beddelin hawlahii ganacsi ee lagu yaqaanay, waxaanad aroortii ilaa fiidnimadda ku arkaysaa mashquul ka socda guud ahaan magaalada qaybaheeda oo dhan, taas oo ay ugu horreyso goobaha ganacsiga, meheradaha cuntada, gawaadhida dadweynaha, hudheelada hurdada, baraha kantaroollada iyo gudaha magaalada, kana muuqdaan macaamiil mid walba u heelan yahay, danaha uu magaalada u yimmi.

Macaamiisha magaalada Tog-wajaale u yimaada danaha ganacsigu ugu horreeyo ayaa boqolkiiba sagaashan ay yihiin kuwo ka yimmi dalka Itoobiya, balse aan sifo sharci ah ku soo gelin, taas oo marka aad weydiiso hay’adaha ku shaqada leh, laguu sheegayo inay dhaqaale soo gelinayaan magaalada Tog-wajaale iyo dalka ba, sidaa darteed loogu fududeeyey, balse, caqliyanna iyo sharciyan-ba mudnayd in qof kasta oo ka soo talaabaya xuduudka wadan kale, uu sifo sharci ah ku soo galo dalka Somaliland, kagana baxo, sida muwaadiniinta reer Somaliland ee danaha u yeesha dalka Itoobiya ama mid la mid ah ugu galaan ugana baxaan sifo sharci ah.

Magaalada Tog-wajaale ayaad aroornimadii hadaad marto dooxa dhexmara ku arkaysaa wasakh isugu jirta biyo fadhiya, oo dulbuuxsheen xashiish kale oo magaalada lagaga soo kordhiyey, oo xayawaano sida eyda iyo shimbiraha xuunshooyinku fadhaan, intaan cagta socodka dadku soo gaadhin, kuuna muuqanaysaa sawir argagax iyo werwer ku keenaya qofkii arka, iyo halista dul-hoganaysa magaaladan gebi ahaanteedba ku nool ganacsiga, oo dadka degan, kuwa ganacsiga ku leh, maamulka dawlada hoose ee hawshoodii ahayd, iyo kuwa u soo muraad-yeelanayaba aanay dareensanayn, laakiin keeni karta, Ilaahay kama dhigee, halis naf iyo maalba lumisa hadaan degdeg xal waara looga gaadhin.

Dhinaca amaanka magaalada ayaa meel fiican maraya, mana arkaysid wax naftaada iyo hantidaada halis geliya gudaheeda. Markaad dadka degan weydiisidna kuu sheegayaan xilligan inay wax badan oo hore loogu arki jiray sida khamriga iyo dadka cabsan, wakhtigan ka dhammaadeen, taasina ku timi isbeddelka dhinaca madaxda ciidanka booliiska ee saldhiga magaalada. Sidoo kale dadka dhinaca tahriibka dariiq ka dhigan jiray magaalada ayaa xilligan ka caagay, kadib markuu adkaaday ka gudubkeeda, ciidammada amaanka iyo kuwa kale ee qaabilsan xakamayntooda awgeed, waxaana laguu sheegaya inay u wareegeen dhinaca tuulada Magaalo-cad.

Dawladda hoose ee Tog-wajaale ayaad arkaysaa iyagoo cashuurta ku qaadaya lacagta Birta ah ee laga isticmaalo dalka Itoobiya, isla markaana, aan wax juwan ah siinayn qofkii bixiyey, taas oo aan indhaha ka soo qaaday, gabadh iyo will wada socday oo alaab ay ka iibsadeen ula talaabayey dhinaca Itoobiya, askari taagnaa goob dawlada hoose leedahay isagoo aan eegin waxay sitaan ay u soo tureen lacag itoobiyaan, ah, taas oo khaladka lacagta ay cashuurta ku qaadayaan marka laga yimaado, oo ka dhigan magaalo maamulkeedu hoos yimaado dalka Itoobiya, qof isweydiinayo sidee loo xisaabinayaa inta dakhli la qaaday, hadaan qofka la siinayn juwan, loona baahan yahay, masuuliyiinta ay khusayso ee heer gobol iyo xukuumadeed dabagal ku sameeyaan, talaabadii lagu saxi lahaana degdeg u qaadaan.

Qodobka 36aad ee Xeerka Goleyaasha Deegaanka ee Golaha wakiilladu ansixiyeen ayaa farqadiisa (C) dhigaysaa waajibaadkooda: Kobcinta & kor-u-qaadida arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Laydhka, Nadaafada IWM. Haddii sharcigu sidan dhigayo, la soco arrimahan sare ku xusan oo dawladda hoose ee Tog-wajaale jebisay, iyo qaybo kale oo warbixintan ka mid ah, sida goob Ganacsi oo talaabo ku deyasho leh u qabata ciidamada jooga labada kantarool ee magaalada.

Comments

comments