Somaliland: Dr Adna Aadan Ismaaciil Oo La Kulantay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Waxay Kala Hadasha Arrimo La Xidhiidha Wadahalka Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Dr Adna Aadan Ismaaciil, ergayga gaarka ah ee dhawaan madaxwayne Siilaanyo u magacaabay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay waxay safarkeedii ugu horeeyey ku tagtay dalka Jabuuti gaar ahaana magaalada Jabuuti.

Waxaana Dr Adna Aadan Ismaaciil ay qasriga madaxtooyada Jabuuti kulan kula qaadatay madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,isaga oo madaxwaynuhuna si wayn ugu soo dhaweeyey Qasriga looga arrimiyo dalkaasi Jabuuti.

Kulan saacado qaatay oo dhex maray madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergayga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya kadib waxa ujeedada kulankaasi uu daaranaa faahfaahin ka bixisey Dr Adna Aadan Ismaaciil,iyada oo ka dhawaajisay in kulankaasi uu ahaa mid wada tashi ah oo ibo fur u ah kulamo wada tashi ah oo ay la qaadan doonnto madaxwaynayaal afrikaan ah,waxaana ay tidhi iyadoo ugu horeyn ka hadlaysa ujeedada socdaalkeeda sida tan

“Imaatinkaygan Jabuuti waxaan u imid in aan madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle soo booqdo oo aan soo salaamo,muddo badan maan arkin,waxaan ahay sidaad ogtihiin qof Jabuuti ku kortay,waana safarka aan u imi Wada tashi Ayaan u imi,xilka wayn ee Illaahay umadda iigu soo dhiibay,waxaan u baahday in madaxwaynayaal badan aan wada tashi ugu tago,waxaan jeclaystay in karaamadda ugu horeysa uu noqdo dalka Jabuuti,markaas taas baan ugu imid,wada tashigaas baan u imid,inaan duco madaxwaynaha kala tago Ayaan u imi,markaas ujeedadu taas ayay ahayd”sidaas ayey tidhi Dr’s Adna Aadan Ismaaciil.

Dr Adna Aadan Ismaaciil ergayga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyada oo hadalkeeda sii wadata waxay rajjo fiican ka muujisay in ay guul laga gaadhi doono wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo muddo badan soo socday waxaana ay tidhi

“Waxa loo baahan yahay in la wada hadlo,sanado badan ayay colaado ka jireen mandaqadeena Geeska Afrika,dhibaatooyinkii Geeska Afrika ka dhacayay waad la wada socotaan,in dhibaatooyinkaa xal loo raadiyo,sidee mandaqaddan Geeska Afrika nabad iyo wada hadal loogu soo celin karaa?, Waxii wanaag ku dhalanayo,waxii wada hadal ku dhalanay,waxii nabadgaliyo iyo horumar usoo jiidaysa Geeska Afrika ayaa aniga iga go’an inaan ku dhaqaaqo”sidaas ayay hadalkeeda kusoo koobtay Dr’s Adna Aadan Ismaaciil.

Dhinaca kale safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo safarkan Dr’s Adan Aadan Ismaaciil ku timi Jabuuti ku wahelinayay iyo safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed oo iyaguna si wada jira warbaahinta ula hadlay ayaa soo dhawayn kadib waxay ka marag kaceen in talaabadan ay sii wanaajinayso xidhiidhkii ka dhaxeeyey labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya iyaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxay yidhaahdeen sida tan.

“Waa maalin taariikhiya,waa maalin wayn,waxaan u nimidnay halkan aniga iyo marwo Adna oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,inaan halkan nimaadno,waxay jeclaatay in lagu qaabilo Jabuuti ay karaamada kusoo horeysiiso madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,aniga oo safiirka Somaliland jabuuti u joogana aan soo kaxeeyo,wax alle waxii wanaag ah madaxwaynaha Jabuuti diyaar buu u yahay,waanad arkayseen sida uu u qaabiley”sidaas ayuu yidhi safiirka Jabuuti I fadhiya Somaliland.

“Runtii marka hore waxaan u mahadcelinayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo runtii si wanaagsan noo qaabilay anagoo wada dhan,labada shacab oo walaalo ah,haday noqoto Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Somaliland-ba,madaxwaynaha waan u mahadcelinaynaa mar labaad iyo mar saddexaadba,Sidaa ay Dr Adna Aadan ay sheegtay ergayga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,waxaan rajaynaynaa Insha allah,wax wanaag ah inay ku dhamaan doonto Mustaqbalka hadii rabbi yidhaah. Waa hawl cusub,waxaanan rajaynaynaa Insha alllah idinkuna inaad soo ducaysaan si hawshaasi u fududaato hadii alle yidhaahdo”Sidaas ayuu isna yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed.

Gabagabadiina safarkan ay dalka Jabuuti ku tagtay ergayga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya Dr’s Adna Aadan Ismaaciil ayaa noqonaya kii ugu horeeyey tan iyo wakhtigii madaxwayne Siilaanyo u magacaabay xilka ah ergayga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...