Somaliland: Aqlabiyadda Mudaneyaashii u Codeeyey Talyanle oo Xukuumadda uga Diggay Faro-gelinta Golaha, Dacwad-na u Gudbiyey Maxkamada Sare

Date:

“..Ilahay Hadii Laga Yaabayo, Kursiga Waxa Helay Talyanle.. Reer Kulmiye Way og-yihiin, Baashe-na waa Og yahay..”

Xildh. Siciid Cilmi Rooble

“..Waxan Bar-bar taganahay Cabdiraxmaan Talyanle oo ah Gudoomiyaha Xaqa ah ee Golaha Wakiiladda oo Gunnimo maha Inaad Xaqa usoo Noqoto..”

Xildhibaan Xaamud

“..Baashe iyo Talyanle ma kala Xigsanayno, waxa’se meesha taalla hala Garnaqsado..”

Xildh. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale

Aqlabiyadda Xildhibaanadii u Codeeyey Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa markii u horreysay daboolka ka qaaday mawqifkooda ku wajahan muranka iyo mad-madowgii hadheeyey tirada Codadkii golaha ee ay ku kala bixi lahaayeen Labada Musharrax eek u beretamayey buuxinta jagada Gudoomiyaha Wakiiladda, isla markana Xildhibaanaddu waxay faahfaahin ka bixiyeen dariiqa ay u mari doonan ka midho dhalinta guushii ay ka helleen golaha, balse sida ay ku doodayan la is-waydaariyey.

Mudanayaasha ku guuleystay aqlabiyada Codka golaha Wakiilada ee fadhigii doraad oo qaarkood warbaahinta la hadleen, waxay sheegeen geestooda inaanay ka hadhi doonin guusha ay helleen, isla markaana aqbali doonin natiijada la marin habaabiyey, arrimahas oo sida ay sheegeen ka midho-dhalintooda ay u mari doonan Hay’addaha sharciga ee Qaranka, waxanay intaa ku dareen in sharciga la horkeena cid kasta oo falka ku lug yeelata.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo xubin ka ah Mudanayaasha golaha Wakiiladda ee u Codeeyey Xildhibaan Talyanle, ayaa sheegay xogta ay helleen inay ku oggaadeen khaladadka ka dhacay tirintii Codka ee doraad iyo weliba cidda eedda Masuuliyadeeda iska leh, hase-ahaatee Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu xusay inay arrintaa u mari doonan Wado sharci, isaggo arrimaha hadlaya waxa uu yidhi “.. Shalay waxbaa dhacay, waxa dhacay waxan ilaa 1991-kii ka dhicin Jamhuuriyadda Somaliland, waxanu ahayn laba garab qolo waxay dhisaysay Xildhibaan Talyanle, qolona waxay dhisaysay Xildhibaan Baashe, waa laba mudane oo Reer Sool ah oo Ilmaadeer ah oo mid waliba xaq u leeyahay in la doorto ayey ahaayeen. Waxanu golle ahaan isla garanay in buuxinta kursiga Gudoomiyaha reer Sool loo daayo, oo lagu milgeeyo, waxan idiin sheegaya Xeer hoosaadkayagu wuxuu tilmaamaya Xildhibaanaddu tirinta Codadka ma laha, hadanu’se shakisan nahay waxanu odhan lahayn anagga ayaa tirsanaynaa Codadka, waxanu aaminnay Shir-gudoonkii golaha markaa joogay iyo raggii yar-yaraa ee tirinayey Codadka iyo Xoghayaha guud. Gudoomiye Cali Yuusuf oo fadhiga Gudoominayey, waxa uu nagu yidhi saddexda Inan waan Dhaariyey, anna waan dhaartay, anaggu dhaartii Ilahay ayaanu aaminnay, waxan maanta idin sheegaya, ileyn Xabaal ayeynu geleynaayee, hadii Ilahay laga yaabayo Kursigaa Talyanle ayaa helay. Aniga laftaydu God-baan gelaya oo Talyanle I shaffeeco qaadimaaye, Kursigaa Talyanle ayaa helay. Reer KULMIYE-na way og yihiin, Baashe-na waa Og yahay. Ilaa xalay ilaa Maanta waxay nagu waalleen, aynu wada hadalno oo golaha haynaga Burburinna, waa Su’aalle golluhu xaqa haduu usoo noqdo miyuu ku burburayaa, Maya Weeyee, arrintaa dambigeeda laba qolo ayaa leh, waxana weeye afar Wiil-baa Codadka golaha soo tiriya, waxayna mid-mid u tiriyaan afarta safe e goluhu ka kooban yahay, afarta Nin ee soo tiriya Codadka iyo Xoghayaha golaha ee ay tirada Codadka u dhiiban, isagguna u gudbiya Gudoomiyaha, waxana arrintu fadhida labada qolo…”.

Sidoo kale, Xildhibaan Xaamud Karasay oo kamid ah Xildhibaanadii u Coddeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa ujeedada shirkiisa jaraa’id ku siffeeyey mid ay ku kaliftay inuu ku taageero xaqa, isla markaana sheegay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu yahay Gudoomiyaha xaqa ah ee golaha Wakiiladda, isaggo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “… Waxan u taaganahay inaan Markhaati ka noqdo, oo is barbar taagno Cabdiraxmaan maxamed Talyanle, oo ah Gudoomiyaha dhabta ah ee shalay loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, hadii aad gefto inaad usoo noqoto sida xaqu yahay, waa Gobanimo. Baarlamaankeenu wuu ka duwan yahay kuwa Calaamka, ee Xukuumadduhu aanay farogelin, hase-yeeshee inagga keena halkaa Madaxtooyada ayaa looga soo yeedhiyaa, iyagguna waxay doonayaan ay ka qaatan..”.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo kamid Xildhibaanada aqlabiyadda golaha ee codeynta, ayaa sheegay innay oggaadeen in Codadkii golaha la is-waydaariyey intii anay ka tagin xaydaabka golaha, hase-yeeshee ay hambalyeyeen Gudoomiye Baashe ku timi dhinacooda daacadnimo iyo kalsooni, balse ayuu yidhi; “.. Baashe iyo Talyanle ma kala xigsanayno, waxa’se meesha taalla hala garnaqsado, waayo ma diidayno oo waanu hambalyeynay, laakin markii aanu is tirsannay anagoo og tirada Codadkayagga, waxa noo cadaatay oo aanu ku qanacnay inaanay jirin cid meel kale martay..”.

Waxa kaloo, isna arrinka muranka Codadka ka hadlay Xildhibaan Siciid Warsame Ismaacil, ayaa falkii wax is-daba marinta Codadka ee golaha ka dhacay ku tilmaamay dambi, kaddib markii si badheedh ah loo marin habaabiyey natiijada Codadkii uu helay Xildhibaan Talyanle, waxanu hadalladiisa ku yidhi; “…Waxa golaha ka dhacay Dambi culus, tiradii uu helay Xilidhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, oo aanu hayno caddeyn maheedii, oo qof-qof muuqaalkoodii loo hayo, iyadoo la tirinayo, ayaa waxa dhacday in dambi toos ah la galay, iyadoo Xildhibaan Talyanle uu yahay Gudoomiyaha xaqa ee loo doortay golahan, oo aanu aaminsannahay ayaa waxa dhacday Dambi..”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...