Somaliland: Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhigga Ka Jartay Mashaariic Biyo-gaadhsiin Ah Oo Laga Hirgeliyey Deegaanka Ilinta-dhexe Ee Degmada Daarasalaam

Date:

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa socdaal ku tagtay deegaanka ilinta-dhexe oo ka tirsan degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-jeex, halkaas oo ay xadhiga kaga jartay mashaariic ay ka mid yihiin beebab lagu gaadhsiiyey biyaha riig deegaankaasi ay hore uga fuliyeen xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adda Save the Children

Weftiga Wasiirka Maaliyadda oo socdaalkan ay ku tagay deegaankaasi ilinta-dhexe uu ku wehelinayey Wasiirka Caddaaladda Axmed Faarax Cadarre, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey dadka deegaanka iyadoo ay xukuumadda iyo Wasiir Samsam uga mahadnaqeen mashruucan wax ku oolka ah ee ay ka hilgaliyeen deegaanka ilinta dhexe oo biyo yaraan xoog leh ay ka jirtay.

Wasiirka maaliyadda oo dhamaystirka iyo gabogabaynta mashruucaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Marka Madaxweynaha dhegahiisu ay kuu furan yihiin, marka halkaa dadkii dhibaatada abaartu ku soo martay ee ay xagaa iyo xaganba ay ka yimaaddeen ee aanu biyihii ka bixi waynay, ayaanu nidhi Madaxweyne dadka ilinta-dhexe ceel ha looga qodo, degdeg uga qoda ayuu yidhi Madaxweynuhu, marka Madaxweynuhu kula ogolaado wixii ee aanu odhan waa qabyaalad iyo maxay inantu ma halkaas ayay u dhalatay iyo waxaas ayaad adna ku dhiiranaysaa, Coodanle-na sidaas ayay ahayd oo Madaxweynuhu wuxuu yidhi Riigga dhaqaaji. Waxaydun yeeli doontaan khilaafka uun ka ilaaliya, haddii halkaasi khilaaf yimaaddo biyuhuna way ka guuraan, mana helaan nicmada Illaahay, markaa biyahaasi wada-jir u maamusha oo ku heshiiya.  Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa hay’adda Save the Children inay 3Km ay magaalada soo gaadhsiiyaan, hay’adda Save the Children ayaan aad ugu mahadnaqayaa iyagana.” Ayay tidhi Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Axmed Faarax Cadare Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Wasiir Samsam ku tilmaamay inay tusaale ay u tahay iyaga, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxay fulinayso Samsam waanu uga mahadnaqaynaa waxa ay qudhayada noo tahay tusaale, laba wasaaradood oo mushtamaca raad ku reebaya ayay gacanta ku haysay, anaguna waanu ku taageeraynaa oo waanu ku barbar taaganahay. Nasiib ayaad u yeelateen inaad biyo heshaan.” Ayuu yidhi Wasiir Axmed Faarax Cadare.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise, Guddoomiyaha tuulada ilinta-dhexe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo mahad leh oo markasta aynaan ilaabi karin oo in aynu u mahadnaqno inaga mudan oo ilaahay aynu dambi dhaaf u waydiino Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan”.

Oday ka tirsan dadka deegaanka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in halkan Ilinta dhexe ee biyaha la soo gaadhsiiyey uu hore uga guuray biyo la’aan waxaanu sheegay in arintan biyaha loogu sameeyey deegaanka ilinta dhexe ay aad ugu diirsadeen, “Oomanaan ayaan halkan uga guuray dad iyo xoolaba oo aan ka qaxay biyo la’aan meel doog iyo biyo leh ayaan u guuray, waana wax illaahay loogu mahadiyaa halkii aan abaarta iyo biyo la’aanta aan uga guuray oo biyuhu ay sidaasi u qulqulayaan”.

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Saynab Ismaaciil Gamas oo ka mid ah qurba-joogta reer Somaliland ee dalka Sweden, waxaanay tidhi Marwo Saynab “Aniga oo Hargeysa joogay muddo bil ah oo biyo la’aanta ka taagan iyo booyada la raadinayo ayaan yaabanahay oon maanta arkay biyaha halkaa iska qulqulaya, runtii maanta nasiib weyn ayay ii noqotay oo farxadna aadbaan ugu faraxsanahay” Ayay tidhi Marwo Saynab Ismaaciil Gamas.

Dhinaca kale waxgaradka iyo masuuliyiin ka soo jeeda deegaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle oo uu horkacayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdirashiid Riyo-Raac ayaa abaalmarin ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, taasi oo masuuliyiintani ay abaalmarin uga dhigeen waxqabadka ay Wasiir Samsam ka geysatay deegaanada Bariga Somaliland gaar ahaana ceel biyoodka ay xukuumaddu ka hirgalisay deegaanka Coodanle oo ilaa hadda shaqeeya oo dadka deegaanku ay ugu magacdareen Samsam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...